|

Telefishanka Afka Dheer ee Aljazeera Oo Qayb ka ahaanshaha Khilaafka Gacanka Cadmeed Ku Sababeeyay Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga Siinayay Magaaladda Berbera DAAWO

Doha 21. January 2018 (SDN/QJ):-Telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera oo fadhigiisu yahay Qadar ayaa warbixin uu baahiyay ku sheegay in joogitaanka dawladda Imaaraadka ee Geeska Afrika siiba Somaliland iyo Eriteriya halis ku tahay ammaanka badda siiba marin biyoodka muhiimka ah ee Bab-almandab.

Dawladda Somaliland ayaa xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka la safatay xilli ay si adag isu hayeen Qadar iyo xulufado waxaanay u muuqata in telefishanku halkaasi ka qaniinsan yahay Somaliland oo uu markii hore warbixino togan ka diyaarin jiray.

 

Telefishanka ayaa Saldhiga Militari ee Berbera laga siiyay Imaaraadka iyo maalgalinta dekedda marka uu ka hadlayo ku sheegaya joogitaanka Imaaraadka ee Somaliland waxaana laga dareemaya in ay dhinacsan tahay warbixintiisa oo uu ku durayo Imaaraadka iyo dalalkan xidhiidhka dhanka dekeddaha iyo Saldhigyada la yeeshay ee Somaliland iyo Eriteriya.

 

“Abu Dabay(Imaaraadku) waxay xoojisay joogitaankeeda Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa kala qaybsanaanta dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland-ta aan la aqoonsan. Waxa la kala saxeexday heshiisyo ay ku jiraan Madaarka Berbera iyo Deked, taas oo ay diiday dawladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena keentay in Soomaalidu mudaharaad kala hor timaaddo si ay u diidaan joogitaanka dalkooda ee Imaaraadka,”Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta telefishanka.

 

Telefishanku wuxuu intaasi sii raaciyay in baarlamaanka Soomaaliya ka soo horjeedo heshiiska Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera kaas oo baarlamaanka Somaliland ansixiyay horraantii 2017. Waxay soo xigteen xildhibaanno ku tawaawacaya in aanay Soomaaliya faro gelin jirin Imaaraadku xilliguu nuglaa sidaas awgeedna ay dalkooda kala qaybinta uga daayan.

 

Telefishankan ayaan soo hadal qaadin Saldhigga Militari iyo Dekeddaha Muqdisho ee uu maamulo dalka Turkiga ee ay xulufada wada yihiin Qadar,  kaas oo dhib iyo dheef wixii ay leeyihiinba la qaba kuwa Berbera ee Imaaraadku maamulayo, taas oo warbixinta telefishanka loogu arki karo mid dhinacsan.

Comments are closed