|

Tirakoob muujisay taageero loo hayo Xukuumada Syria iyo Ruushka oo kala tuuray qaraarkii Gollaha Amaanka ee ka dhanka Madaxweyne Asad

New York Jan 31,2012(qurbejoog.com)-Heyad laga leeyahay dalka Qadar ayaa tirakoob ay ku sameysay shacabka reer Syria waxa ay muujisay in dadka dalkaa u dhashay badankii ay ayidsan yihiin xukuumada uu horkacayo madaxweyne Bashar Al Asad.

Heyadan oo la yidhaa The Doha Debates ayaa sheegtay in ay xog ka ururisay 1000 qof oo Syria u dhashay ay boqolkiiba 55 ayidsan yihiin in xukuumada Bashar Al Asad ay talada sii heyso halka inta kalena ay diidan yihiin kana soo horjeedaan.

Dadkan taageersan xukuumada Asad ayaa sheegay in ay doonayaan isbedel u cuntamaya dhamaan reer Syria ee aaney keligii taliyaha taageersaneyn.

Dadkan ayaa sidoo kale ka cabsi qaba waxa ka dhalan kara xukuumadooda oo kacdoon ay ku ridaan dadka Suniyiinta ah ee kacdoonka wada,bacdamaa ay Syria kuwada nool yihiin dad kala Diin iyo madhab ahi.

Geesta kalena Ergeyga Ruushka u fadhiya QM ayaa ganafka ku dhuftay qaraar ay isku soo duba rideen dalalka Carabta iyo reer Galbeedka oo madaxweyne Asad ka dalbanayay in uu dhan isaga taago isbedelo la damacsan yahay in dalkaa laga hirgeliyo.

Ruushka ayaa sheegay in dadka reer Syria ay u taalo hadii ay madaxdooda bedelayaan ee aaney QM farogelin toos ah ku sameyn dal madax banaan.

Qurbejoog-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed