|

Toogasho Ka Dhacday Deegaanka Arabsiyo iyo Taliska Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay

Hargeysa:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Toogasho loo geystay Taliyihii  Saldhigga Boliska Magaalada Arabsiyo ee Waqooyiga Hargeysa, ayaa waxa Ka Hadlay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, iyagoo sheegay in lala Tacaalayo Xaaladiisa Caafimaad.

fadaSarkaalka La Toogtay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Case, ayaa waxa toogtay midka mid ah Ciidanka Saldhigga uu xukumo Oo Haatan Gacanta Lagu hayo, iyadoo xaaladiisa caafiimaadna ay haatan la tacaalayaan Hawlwadeenada Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Taliya Toogashada loo geystay, ayaa waxa ay rasaastu ka Haleeshay  saablayda sida uu taliyaha ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan sheegay, waxana uu tilmaamay inay sarkaalkii toogashada saaka Geystay ay gacanta ku hayaan.

Taliyaha ayaa sarkaal dhaawaca ah u rajeeyey inuu eebe caafimaad sariican ah siiyo, waxana uu bulshada reer Somaliland u soo jeediyey inay ciidanku gacan bir ah u qaban doonaan cidkasta oo isku daydo inay fadqalalo  geliso  Hannaanka ay ciidanka Boolisku u gutaan Hawlmaalmeedkooda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed-kaar(xaglotoosiye), oo ay ayaa faahfaahiyey xaddiga dhaawaca gaadhay Sarkaanka Booliska Ka Tirsan, waxana uu tilmaamay inay rasaastu ka Haleeshay  Uurku-jirta, isla-markaana ay sida ugu fiican xaalkiisa iskugu hawli  doonaan.

Sarkaalka saaka la toogtay ayaa la sheegayaa, ayaa saaka waxa Rasaas oodda kaga qaaday Askari ka tirsan Ciidankii uu xukumi jirey, kadib markii la sheegay inay is afgarasho la’aani dhex martay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed