Muqdisho April 15 2013 (SDN)– Iyadoo shalay Muqdisho weerar ismiidaamin ah lagu qaaday gaari ay saarnaayeen shaqaalo ajaaniib ah oo Turkiga u dhashay,islamarkaana ka shaqeynayay Hay’adda Bisha cas ee dalkaasi,ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in labo Muwaadin oo Turkish ah ay ku dhinteen weerarkaasi.
War ka soo baxay hay’ada Bisha cas ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday gaariga ay saarnaayeen shaqaalaha ajnabiga uu khasaaro ka soo gaaray Darawalkii gaariga kaxeynayay oo Soomaali ahaa,halka Labo kale muwaadin Turkish ah dhaawacyo fud-fudud ay ka soo gaareen weerarkaasi,sida warbixinta ku xusan.Hay’ada Bisha cas ee Turkiga ayaa sidoo kale waxay shaacisay in shaqaalaha ka dhaawacmay Magacyadooda ay kala yihiin Kenan Kongur, Murat Demirbas and Fatih Celik,kuwaasi oo dhaawacooda diyaaradeed loogu qaaday dalka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo.Weerarka shalay lala eegtay shaqaalaha ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa wuxuu ka dhacay wadada ka timaada Garoonka Muqdisho ee aada dhanka KM4.
