Uncategorized

UK oo lagu dhaleeceeyay in ay Qabato deetana Sii Deyso Burcad-badeeda Soomaalida

London April 08,2012(SDN)-Dawlada UK ayaa guddi baarlamaani ah oo dalkaasi leeyahay waxa uu ku eedeeyay in ciidamada baddu sii dfayaan Burcada Soomaalida ee ay gacanta ku dhigaan.

Guddida ayaa sheegtay in wax laga xumaado tahay in ciidamada Badda ee UK oo hogaamiya dagaalka lagula jiro Burcada ay hada sii daayaan denbiileyaasha ay ku qabtaan iyaga oo ka qawleysanaya baddaha Soomaaliya.

La-taliyeyaasha xukuumada UK ayaa ku taliyay  in burcada oo la maxkamadeeyaa ay ku bixi doonto aduun faro badan.

Dhaliileyaasha talaabadan lagu sii daayay burcada ayaa sheegaya in ay burcad badeeda dhiiri gelin u noqotay in aaney la kulmin wax caqabad ah oo sababta in ay ka waan toobaan fal danbiyeedyada.

Dawlada Britain ayaa malaayiin ku bixisay sidii dalalka jaarka la ah Soomaaliya u maxkamadeyn lahaayeen burcada Soomaalida.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com