|

Ururka Alshabaab oo Ku dhawaad Laba Todobaad kadib Sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii Diyaaradda DAALLO

Muqdisho 14.February 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Al-shabaab, ayaa shaaca ka qaadday Sabtidii maanta inay ka dambeeyeen Qarax ka dhex-dhacay Diyaaradd ay leedahay Shirkadda DAALLO Airlines 02-dii bishaan Feberaayo 2016, taasoo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti, isla markaana uu hal qof oo la sheegay inuu Kumpuyuutar kuwa gacana ah oo qarxay siday, kaasoo diyaaradda meesha qaraxu dalooliyey ka dhacay, halka ay laba ruux oo kalena ku dhaawacmeen.

 

Diyaaraddii_Daallo_Airlines_ee_shilku_ka_dhacayBayaan ku qornaa Luuqadda Ingiriisida oo ay Al-shabaab soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay beegsanayeen xubno ay ku sheegeen inay ahayaeen kuwo u shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka iyo ciidamada Turkiga ee NATO ka tirsan, iyagoo xusay in weerarku uu ka mid ahaa weerarro gaar ah oo ay dadka la shaqeeya sirdoonka Reer Galbeedka la beegsadaan.

 

“Innagoo ka hortagayna dhibaatooyinka ay Sir-doonka Dalalka Reer Galbeedku ku hayaan Muslimiinta ah ayay Al-shabaab fulisay weerarka diiyaaraddii Daallo, taasoo ay la socdeen xubno u shaqeeya sirdoonka dalalka rer Galbeedka, sidaas awgeed wuxuu ahaa mid aan ku Beegsanaynay Hay’adaha Sir-doonka Gaalada ee dhulka Muslimiinta ku sugan.” ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab.

 

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa Bayaankeedan ku sheegtay in Weerarkaan uu dhacay xilli ay Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedku ay kusoo kordhayaan Muqdisho, si ay uga fulinayaan Hawl-gallo ka dhan ah Muslimiinta Soomaaliya ku nool, gaar ahaan xoogagga Al-shabaab.

 

“Kooxaha Sir-doonka Reer Galbeedka, Waxay ku lug leeyihiin Hawl-gallada ka dhanka ah Muslimiinta, iyagoo gacan ka siiya Hay’adda CIA-da ee dalka Mareykanka duqeynta ay ka Geysanayaan Qaybo ka mid ah Soomaaliya, kuwaasoo lagu laayay Boqollaal Muslimiin ah oo aan waxba galabsan,” ayaa lagu xusay Bayaanka.

 

Waxay kaloo Al-shabaab ay bayaankooda ku sheegeen in howlgalkooda aysan ku soo ridin diyaaradda, balse ay Argagax iyo cabsi ku geliyeen waxay ugu yeereen Gaalada. Waxayna intaas ku dareen, in inkastoo Amaanka si aad ah loo Xoojiyay haddana ay awoodi waayeen inay ka hor-tagaan Mujaahidiinta, uuna Howlgalkan imaan karo.

 

“Al-shabaab waxay awood u leedahay inay meel walba ku ugaarsato sirodonka u shaqeeya Reer Galbeedka, sidoo kalena ay beegsan karaan waqtigii ay doonaan. Guushuna waxay ku jirtaa gacanta Eebbe weynaha aan keligiis Rumeysan-nahay,” ayaa mar kale Bayaanka Al-shabaab.

 

Al-shabaab ayaa bayaankooda ku sheegay inay sii wadi doonaan ugaarsiga cadowga Alle, ayna si gaar ah diiradda u saarayaan Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedka ee Somalia ka Howl-gala. Waxaanan u adeegaynaa Muslimiinta Somalia sidii ay ugu noolaan lahaayeen amni iyo deggenaasho.

 

Si kastaba ha noqotee, Diyaaradda Daallo Airlines ee wax laga dhex-qarxiyey, waxaa ku dhintay Hal Ruux oo la sheegay inuu Diyaaradda ka dhacay, kaasoo Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ay magaciisa ku sheegeen Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle inuu ahaa Ruuxii is-qarxiyay, iyadoo ay Shilkaan ku dhaawacmeen laba Qof oo iyaguna Rakaabkii Diyaaradda saarnaa ka tirsanaa, iyagoo 74 Rakaab ah oo diyaaraddaas saarnaa oo qofka is-qarxiyey-na ku jiro dhammaantood ay ku socdeen magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Comments are closed