|

Gobolka Awdal oo Maanta ay ka Bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Loolanka Xisbiyadda Qaranka DAAWO

Boorama 13. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray  habsami-u-socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal oo ay si rasmi ah uga bilaabantay maanta.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbal-xaakimka waxay kormeer ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta qaadashada kaadhka iyo qiimaynta sida hawshu u socoto ay ku mareen degaannada hoos yimaada degmooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal.

 

Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo bilaabay kormeerkooda kadib xaflad kooban oo loo sameeyey shaacinta bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta gobolka, waxay si wadajir ah u booqdeen dhawr goobood oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga diiwaangelinayey ee gudaha magaalada Boorama, waxaanay si kooban u xog-waraysanayeen hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi, isla markaana waxay ku dhiirrigelinayeen dadweynaha inay u dulqaataan wixii ay la kulmaan oo qaataan kaadhka codbixinta.

Waxa kaloo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal la xidhiidha kormeerka hawsha bilowga diiwaangelinta uu ku tagay degmada Baki ee Gobolka Awdal, isagoo goobo fagaare ah kala hadlay dadka magaalada Baki iyo tuulooyinka hoos yimaada sida Ruqi oo uu ku wacyigeliyey ka qaybqaadashada diiwaangelinta. Waxa kaloo uu la kulmay odayaasha iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa shaqada hirgelinta diiwaangelintan lagu qaadanayo kaadhadhka codka ay ku bixin doonaan dadweynuhu doorashooyinka u qorshaysan sannadka dambe 2017.

Guddoomiyaha, ahna Murrashax xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey madal lagaga dhawaaqay bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta Awdal, waxa uu ku hambalyeeyey shacabka Gobolka Awdal bilowga diiwaangelinta oo uu ku tilmaamay inay tahay mid taariikh ahi. Waxa kaloo uu uga mahadceliyey dadweynaha reer Boorama martigelinta wufuudda magaalada u jooga arrintan.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey isla mar ahaantaana maalmahii ugu dambeysay socdaal ku jooggay magaalada Boorama, ayaa saaka kormeer ku soo maray goobaha laga wado diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo maanta si rasmi ah uga billaabantay guud ahaan gobalka Awdal.

Weftigan guddoomiyaha oo ay ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, gabbada  haweenka iyo dhallinyarta, madaxda heer gobal ee xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Dhanka kalena Madax sare oo ka Tirsan Xisbiga Ucid oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbigaasi Mudane Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa soo Kormeeray Goobaha ay ka socoto Hawsha qaadashada kaadhka Codbixinta ee Gobolka Awdal.

Comments are closed