Uncategorized

Ururka Saas oo Hargeysa siminaar ugu soo gebagebeeyay Waalidiinta Ubadkoodu wax kabarataan Dugsiyada baahiyaha Gaarka ah

Hargeysa Mar 21,2012(SDN)-Waxa Maanta Tabarbar  Socday Muddo Laba Cisho Ah Loo Soo Gabagabeeyey Shan Iyo Labaatan Xubnood Oo Ka Mid Ah Waalidiinta Ay Ardaydoodu Wax Ka Barato Dugsiga Baahiyaha Gaarka Ah Ee Magaalada Hargaysa.

Tababarkan oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Saas oo ah urur u adeega arday qabta baahiyaha gaarka ah oo kaashanaya haayada handicap international ayaa  ujeedada loo qabtay ahayd   sidii  ay waalidinta dhashay carruurta baahiyaha gaarka ah qabta ay kaalintoodu uga qaadan lahaayeen wax u qabashada carruurtaasi.

Marwo Khadra Cumar Xassan oo ah Agaasimaha Ururka Sase ayaa sheegtay in muhiimada ugu weyn ee ay tababarkan u qabteen ay tahay sidii  ay wada shaqayn xoogani u dhex mari lahayd dadka daneeya wax u qabashada carruurta qabta baahiyaha gaarka oo ay kow ka yihiin waalidiintu, waxaanay u soo jeedisay Waalidiintii tababarkaasi ka qayb-qaadanayey in wixii ay tababarkan ka faa’iideen ay u gudbiyaan intii aan fursadan wakhtigu u saamixin in ay ka qayb qaataan .

Dhinaca Kalena Xubno ka mid ah  waalidiintii tababarkaasi loo qabtay ayaa sheegay in ay wax badan ka korodhsadeen  Aqoon korodhsigan iyagoo geesta kalena balan-qaaday in wixii ay tababarka ka korodhsadeen ay bulshada inteeda kale u gudbin doonaan .

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com