|

Ururka Wadani oo yeeshay Afhayeen,xiriiriye Woqooyiga Amerrica iyo Yurub

London Sept 30,2012(SDN)-Guddoomiyaha ururka Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa war saxaafada loogu talo galay isla markaana la gaarsiiyay xubnaha urur siyaasadka ayaa lagu sheegay in ururkaasi yeeshay Afhayeen iyo xiriirye ay yeelanayaan qaaradaha Woqooyiga America iyo Yurub.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka wadani ayaa afhayeenka Ururkau magacaabay Xildhibaan Mahdi Ibrahim Buubaa.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale xiriiriyaha ururka Wadani ee Qaaradaha Woqooyiga America iyo Yurub u magacaabay Md Cabdi Sheekh Xuseen Cabdi.

Guddoomiye Ciro ayaa xubnaha ururka ka dalbaday in ay masuuliyiintan cusub ka caawiyaan sidii ay xilalkaa u gudan lahaayeen.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed