|

Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee loo Doortay Hogaaminta Qaranka Somaliland Shanta Sano ee soo Socda? DAAWO

Hargaysa 22. November 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa uu dhashay taarikhdu markii ay ahayd-1948,Waxa uu ku dhashay Galbeedka Hargeysa tuullo yar oo u taal agaas.Xiligii barbaaritaankiisi wax-barasho waxa uu u soo-wareegay magaalada Hargeysa oo uu ka bilaabay dugsigii Sheekh-Baraawe oo markaa ku yaalay dooxa-Hargeysa agagaarkiisa markii danbena usoo wareegay jeelka-weyn ee Hargeysa dhankiisa galbeed.Wax-barashadiisi hoose dhexe waxa uu ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Biyo-dhacay ku-sinaan taarikhdu markii ay ahayd 1959-kii isago wax-barashadiisi kalena ku soo qaatay Camuud.

Taarikhda waxii intaas ka danbeyey 1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha oo uu ku soo-qaatay waddanka ruushka Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). Soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee cirka wakhtigii dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya-1977-kii.

Comments are closed