Hargeysa 07.Sep 2015 (SDN/QJ) – Xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Togdheer, isla markaana Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Xukuumadda aadka u taageera ka mid ah, ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay Xildhibaanka Mashaariicda ugu tirada badan ka qaata Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu sida xad-dhaafka ah u taageero.
Xildhibaan Dhul-cun, waxa la tilmaamaa inuu yahay Xildhibaanka qaatay ama la siiyey Mashaariicda ay ka midka yihiin samaynta Baasaabboorka E-Passaport-ka Somaliland, qorista ama diiwaangelinta Ciidammada gaarka u ah ilaalinta Shirkadaha Sahaminta iyo Baadhista Shidaalka ee Somaliland ka hawlgala iyo Mashaariic kale oo tiro badan.
Sidoo kale, waxaa la sheegaa in Xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun ka mid yahay Xildhibaanno dhawr ah oo ka tirsan Muxaafidka Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana cidda uu rabo si dhib yar ugu fududayn kara Mashaariicda aad uga baahan tahay Xukuumadda talada haysa iyo Madaxtooyada Somaliland looga taliyo, taasoo ay ku doodaan dadka eedeeyaa inay u sahashay Muxaafidnimada iyo weliba isku-beelnimada Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Dhul-cun, oo Axaddii Maanta Xarunta Golaha Wakiillada ee magaalada Hargeysa ay Su’aalo arrimahaas la xidhiidha ku weydiiyeen Weriyeyaasha qaarkood, ayaa ka jawaabay su’aalahaas, isagoo ku dooday in eedaymahaasi badi yihiin kuwo siyaasadeed oo xanaf iyo xajiin loogu samaynayo, balse uu yahay Masuul si weyn oo dhaw ula shaqeeya dawladda, una taageera wax-qabadkeeda iyo horumarka ay dalka ka fulinayso sida uu ku dooday.
Qaabka ay u dhaceen Su’aalaha Xildhibaan Dhul-cun la weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
