|

Waa maxay dhibta iyo Dheefta ay qabaan dadka xawaaladaha ka sheqeeyaa?

Xawaaladaha Wadanka ka shaqeeyaa oo aad u fara badan kana shaqeeya xawilaadaha lacagaha gudaha dalka iyo debediisa halka qaarna la dhigto hantida dadku  leeyihiin, waa shaqo fiican balse  dadka  ka shaqeeya xawaaladuhu waxay ku qabaan dhib ama dheef , sida caadiga ah shaqadu waxay bilaabantaa 7:00 AM Subaxnimo illaa iyo 9:PM marka laga reebo waqtiga Salaadaha iyo qadada oo dadka qaar aanay gaadhi Karin guryahoodii, maxaa yeelay meesha shaqada iyo guryahooda oo kala fogaada,  iyadoo wax gaadiid shaqaalaha lagu qaadona aanay jirin , waxaa taa ka sii daran waxaa lagu shaqeeyaa waa Computer oo loo isticmaalo shaqada intaa oo saacadood ah taasi oo cimriga banii aadamka iyo noloshooda halis ku ah  tusaale ahaan aniga oo da yar waxaan waxaan ku indho beelay Computerkii waxaana u baahaday in indha wax la iiga qabto balse cabashii aan soo gudbistay la igama aqbalin waxaanaan sii wadan kari waayey shaqadii aan hayey waxaana mudadii aan shaqanayey may dhaafsiisnayn Masaariifta  waxaan ku lumin jiray dantii guud iyo kuwii gaar ahaane shaqada aan hayey.

 Waxaase intaa ii dheer waayo argnimo mudado kooban oo aan ka shaqaynayey hawlaha la xidhiidha dhicana hawlmaalmeedka iyo shaqada ka socota gudaha xawaaladaha taas oo markaan arkay sida siyaabaha wax u socdaan anigoo eegaya damiirkayga oo aan weliba ku miisaamay dhinaca diinta waxaan goostay in aan shaqada iskaga tago oo cimri degdeg aanan ku darsan shaqo aan ku fiicnayn dhinaca diinta anigoo ka mid ahaa shaqaalaha xawaalada KAAH.

Waxaa wehelisa xuquuq la’aan  maaha tan oo keliya ee waxaan iyana xog waraystay kuwo kalo la mida ah sida DAHABSHIIL , AMAL. JUBA, oo dadkuba aanay lahayn xuquuq iyo xaqtoona. Markaan arkay hantidii umada iyo lacagihii la soo xawiley oo lagu fishanayo dano u gaara dad ka shaqeeyaa hantidii oo ribo loo isticmaalayo .

Hadaba Hantiilayaasha Xawaaladaha Soomaalieed waxaan usoo jeedin lahaa dadka u sheqeeya inay xaqooda hoos u eegaan dulmiga iyo ribadana ma kala dhaacaan ee ay iska daayaan

Abwaan Muuse Cali Nuuur

Comments are closed