Waa Maxay Sababta Dhulka Sharciyeysan ee Ganacsate Cumar Caydiid leeyahay, Dad Kale loo Siiyey??
Su’aashani Waxay I Xasuusisay, Weedho Dhagaraysaan oo Ka Soo Yeedhay Rag Siyaasiyiin ah oo Damacooda Siyaasasiyeed ay Dalka iyo Dadka ay Colaadda Ku Geliyeen Sannadadii Nov.94 ilaa Jan.97.
1 ) Waxan Ilbidhiqsi Is Dul Taagi Doonaa Raadadkii Colaadeed ee Kursiga la kala Ridanaayey Xiligii Xukuumaddii Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal:
¤ Nin Ka Mid ahaa Dagaal Oogyaasha Kana Mid ahaa Qabqablayaasha, ayaa loo Diray Oday ay Ehel Dhaw ahaayeen oo Ergo ula Tegay, Colaad Damin ah. Wuxu uga Dhaartay Haddii Wiilkiisi Curad Ku Dhimanaayo in aanu Joojineyn Colaadaas oo Malmo Ka Dib Qarxday Nov.94. Wiilkiisii Curad Kuma Dhiman, Waxase Ku Dhintay Boqolaal la Da’ ahaa!!!!
¤ Nin Baa Yidhi ,, Anigoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo!!!Bar Madaw iyo Calaamad ayey Ku Noqotay, Naanta Shacabku u Dhaaranaayey ayuu Cod iyo Madaxnimo Ka Raba!!!!.
¤ Nin Baa Yidhi Meheradaha iyo Alaabada Yara Xidha Burco anigaa Hurgufiye!!! Maantana wuxu Ku Fadhiya Mansabka Madaxnimo Ugu Mudan!!!.
¤ Intii Dhimatay ee Weedhahaas oo Kale Ka Soo Yeedhay, Illaahay ayeyny Danbi Dhaaf u Weydiineynaa.
Waxay Sababtay Dhimsho Badan, Qax labaad oo Dalka iyo Hargeysa lagu Kala Maqnaa 30 Bilood, Waxayna Ku Soo Afjarantay Kolkii la Garwaaqsaday in Dagaalku ahaa Mashruuc Siyaasadeysan!!!!
2 ) Xiligii Xukuumaddii Dahir Rayaale Kahin:
Xukuumadaha Keli Taliska ihi Waxay Jideystaan in Xilka ay Kordhistaan kolka Term koodu Soo Dhawaado, Waxay Aafo ay Ka Dhigtaan in Beelaha Wada Dega ay Isku Dhuftaan si Dalka Xaalad Degdeg ah Ay Ugu Soo Rogaan iyaga oo Adeegsanaaya Xubnaha Kolba Beesha Duulaanku Ku Socdo!!! Tiraba laba Jeer oo Kala Cuslaa ayaa Mashruucaa lagu Qaatay Dabna la Dhex Dhigay, Dabayaaqadii Sannadkii 2005 kii iyo Bilawgii Bilawgii 2007 kii, iyada oo Xilliyo Doorashooyin Dalka ay Ku Soo Fool lahaayeen, Ku Talo Galka Xukuumaduna ahayd in Ku Muddo Darsato!!! Waxan Qoraalkaygan Ku Qirayaa in Dhammaan intii Mashruurcan Dhagarta Ku Gashay ay u Qoran tahay Shacabkii ay Colaadda iyo Dagaalka dhex Dhigeen. waxayna ahayd Markii labaad ee Dawladdiii Riyaale ay Ka Rido Daroor Dagaalka!!
3 ) Xukuumadda Maanta Talada Dalka Hoggaaminaysa:
Kolkay Xukuumaddan Haysay Xilka Dawladnimo Shan Bilood ayey Ku Talaabsatay in ay iska Hor keento Beelo Walaalo ah oo Dad iyo Deegaan Baheeyey, Kolkay Afartani soo Walwaasheen, Waxan Soconeyn oo lagu Soo raray!!! Iyada oo Ciidan Fara Badan oo Booliis ah, oo uu Wato Janankii Boliiisku, Weerar Lagu Soo Qaaday Shaqaalihii Tiyaatarka Ka Shaqeynaayey. Waa Tii Maalmaho Tiyaaraka iyo Nawaaxigeedu ay Magaaladu Kala Xidhantay. Wixii la Watay iyo Dhul Boobkii lala Socdayne, Waa Tii Shacabku iyo Ciddii Lahayd ay Ka Dhiidhiyeen!!! Xabadduna Ka Dhacday. Ciidamadiina Dib looga Celiyey, Sidan Hore u Soo Sheegay, Waxay Xukuumadaha Dalka u Kala Danbeeyey ay Jidaysteen Inay Isku Dhufasho ay ka Dhex Bilaabaan oo Ku Olole Galaan Marka Doorashooyin soo Dhawaadaan si Fursad Kordhis ay Ugu Helaam. Waxa la Saadaalinaayey in Xisbiyada iyo Golayaasha Deegaanka Dalka la Qabto. Halkaas iyo Sidaas ayaa laga Soo Qabanqaabiyey Ku Qabsada Dhulka Tiyaatarka Hargeysa!!!! Maanta oo Wakhtigaa ay Ka Danbeysayna 4 Sanno, Doorashadii Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa ay Qabsoomaysana 2015ka Bartii laga Soo Shidayaa oo la Raadinayaa in Xabad Dalka laga Rido!!!.
Digiin, Waxan Uga Digayaa Ragga Waraaqaha/Xaashiyadaha Isku Dhaca ah Wata in ay Faraha Kala Baxaan Dhulka uu leeyahay Ganacsade Cumar Caydiid Sharcigeeda uu Haysto, Waa Dhul Qabiil uu Leeyahaye!!!
Waxan Magac Mideysan oo Beeleed Aniga oo Ku Hadlaaye in aanaan Mar Danbe Gardarada Soo Noqnoqtay aanaan Qadan Doonin, Waxan u Digayaayaa Labada Suldaan, Labada Xildhibaan iyo Qof Kasta oo Raadku Soo Galo ee Dhacan iyo Boobkan Ku Weheliya!!!!.
Fariin & Baaq Waxan u Dirayaa Labada Xisbi Qaran ee Mucaaridka ah iyo Labada Beelood ee Walaalaha ah:
¤ Labada Xisbi Qaran Ucid iyo Wadani Cidda loo Ham iyo Dig leeyahay Waa Idinka, Tiyaataeka Cumar Caydiid Waa Hab Raac Majaro Habaabin ah, Waxa lagu Burburinayaa Damaciina Madaxnimo, Waxa Xukuumadda Siilaanyo Gadhwadeenka ka Yahay ay Samaysatay Sawir Qaldan oo ay Dhigteen isu Tustay, Labadooda Shakhsi iyo Isir iskugu Dhufta!!!Waxan Idin Farayaa Dalka Nabadgelyadiis Idinka oo Lexjecleynaaya, Dadkiin iyo Shacabkiisa Ka Waci Geliya, Idinka oo Gacmaha Is Haystay, Waxay Xukuumadda Maanta Jirtaa ay Dalka Qas Ka Wado in aa Wadajir uga Hortagtaan.
¤ Beesha Isxaaq Carre Waxan Uga Mahad Celinayaa Mawqifkii Caddaa ee Iska Taageen Dib Udhiska Tiyaatar Hargeysa Mukiinaasibaddii Ka Dhacday Hotel Xaraf 08/12/2010 kii. Waxan Idinka Codsanayaa. Waxan Idonku Guubaabinayaa in Aynu Ka Hortagno, Waxay Xukuumadu Wado,
Waa Inoo Qormada Tan Xigta. ( 4aad ).
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden
