Uncategorized

Waa Xukuumadii ugu waxqabadka badneyd ee waa maxay xiisaduhu? …..Waa su’aal ay dadku isweydiinayaan

 Hargeysa Jan 07,2014(SDN)-Amuurtani ayaan ku falanqeyn doonaa qormadayda waxanan gundhig uga dhigay laba arrimood oo sabab istaraatiijiya u noqon kara dhacdooyinka aan jawaabta u raadineyno.

Marka ugu horeysa waxa aan shaki ku jirin in xukuumada Siilaanyo ee talada haysaa ay tahay tii ugu waxqabdka badneyd maamuladii soo maray Somaliland. Marka laga eego mashaariicda horumarineed ee la fuliyay ama la billaabay ee hadda soconaya.

Isuguna jira kuwo dhisme, adeegyo bulsho oo aasaasiya. Sida wadooyin, biyo, waxbarasho iyo kuwo kale.

Dhinaca kale waxa la kobciyay dhaqaalaha ama dakhligii qaranka. Waxay ku guuleysatay dhismaha iyo horumarinta hay’adaha dowlada oo maanta lagu diirsanayo bilicda goobaha ay ku hawlgalaan. Waxa kale oo ay hirgalisay darajooyinka ciidamada kala duwan ee qaranka. Taas oo ahayd qabyo ka dhiman dhismaha ciidamadeena.

Shaqaalaha dowlada ayaa sidoo kale la hagaajiyay daryeelkooda iyadoo loo kordhiyay in ka badan boqolkiiba boqol mushaharradii iyo gunooyinkiiba.

Lacagtii hore ee Soomaaliya oo laga badalay gobolada bariga.

Waxa kale oo la shaqo galiyay dhalinyaro badan oo ciidamada iyo shaqaalaha dowlada laga hawlgaliyay. Intaasi waxaa dheer in xukuumadani siyaasada arrimaha dibada  kasoo hoysay guulo la taaban karo, inkasta oo qolyo mucaarid ah oo ku fashilmay doorashooyin hore ay isku dayaan inay dadka khaldaan balse runtu wey caddahay taariikhduna iyada ayaa markhaati ah.

Haddaba dad badan ayaa aaminsan in xukuumadani intaa wax ka badan ay hirgalin lahayd  hadii laga daayo suuldaarooyinka siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa haboon in shicibku fahmo cida nasteexiisa ah iyo kuwa ku been guuraya iyagoo dano gaar ah ku fushanaya.

“waar salaadu halkey ka xidhmi la’dahay” ninbaa laga hayay sidaa. Hadaba waxaan uga socdaa iyadoo intaas oo waxqabad iyo inkaloo kabadanba la qabtay maxaa keenay in dadku ay arki waayaan.

Waxaan odhan karaa waxa keenay: inta badan masuuliyiinta kala duwan ee ay xukuumadu u magacawday beelaha oo aan ahayn kuwa bulshada saameyn iyo xidhiidhba ku leh, islamarkaana aan lahayn tayo hogaamineed iyo hal abuur ay ku hagi karaan isuguna soo jiidi karaan xukuumada iyo bulshada ay matalaan.

Qodobka labaad ayaan odhan lahaa marka laga jawaabayo dhaliilaha iyo weerarada mucaaradka waxa haboon inta badan iney ka jawaabaan masuuliyiin aanay madaxweynaha isku hayb ahayn. Sababta oo ah waxaan garaneynaa in dadkeena caadifadooda loo adeegsado hab qabyaaladeed.

Taas oo si khaldan wax loogu turjumi karo dadka. Iyada oo ay jawaabtu isku mid tahay ayey haboon tahay in nadaamkaas la adeegsado.

Ugu danbeyntii waxa aan soo jeedinayaa in xukuumadu dib u eegis ku sameyso arrimahan waanan ku hanweynahay insha Allaah.

Waxa aan idinkaga tagayaa.  “hayaanku wuu soconayaaye ha dhageysan huuhaa”.

Allaa mahad leh.

By: Sakariye Cabdi Sulub

freelance journalist