Uncategorized

Wada-hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo 13-da Bishan Turkiga ka bilaabmaya

London5April13(SDN) Wada-hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo 13-da Bishan Turkiga ka bilaabmaya iyo  Xukuumadda Somaliland oo dhawaan shaacisay in wada-hadaladii Somaliya dib uga bilaabmayaan dalka Turkiga, ayaa weftiga uga qayb-galaya u diyaar-garoobayaan inay u safraan dalka Turkiga.

Weftiga xukuumadda Somaliland uga qayb-galaya wada-hadalada Somaliya, ayaa ilo-wareedyo Ramaas u sheegeen inay ka kooban yihiin Wasiirrada arimaha dibada, arimaha bulshada iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Warka ayaa intaa ku daraya in weftigan oo sidoo kale ay la socdaan xubno kale oo ilaa hadda aan Magacyadooda laga war haynin, ayaa la filayaa inay 8-da bishan April ay si toos ah ugu ambo-baxaan wada-hadalada Turkiga.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa la sheegayaa in ka hor safarkooda ay dawladda Turkigu u soo diri doonto dhukumanti ka hadlaya sida wada-hadaladu u furi doonaan, inkasta oo dawladda Turkigu dhowr jeer oo hore ku celcelisay inay ka shaqeynayso midnimada Somaliya, taasi oo shacabka Somalilandna ka soo horjeedo.

Dawladda Somaliya ayaa laba maalmood ka dib dhawaaqii xukuumadda Somaliland aan weli ka hadal wada hadalka ay Somaliland sheegtay inay dawladda Turkigu isugu keenayso Somaliland iyo Somaliya.