Uncategorized

Ethiopia Oo Qoraal Kasoo Saartay Nuxurka Qoddobo ay Ka Wadahadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Addis Ababa:Jan,18,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa ka Hadashay nuxurka kulamo ay wada Qaateen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Ethiopia bilowgii Tododbaadkan, kana dhacay caasimadda Addis Ababa.

cyrKulankan u dhexeeyey Maxamed Biixi iyo Wasiiru dawle Ambassador Berhane Gebre-Chiristos, ayaa ahaa mid lagu lafo guray xidhiidhka labada dhinac iyo sidii arrimaha Nabadgelyada Gobolka la iskaga kaashan lahaa, waxana sidoo kale lagu soo qaaday Wada-hadalladii dhawaan Somaliland iyo Somalia ku dhexmaray dalka Djibouti iyo waliba Doorashooyinka la filayo inay Somaliland dhawaan ka qabsoomaan.

War Lagu Baahiyay Shabakadda Internet-ka ee Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa lagu yidhi “Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Ethiopia Ambassador Berhane Gebre-Chiristos, wuxuu Xafiiskiisa wada hadal kula yeeshay Jimcihii(Jan-16-2015) wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.Labada dhinac waxay isla lafo gureen hababka lagu sugayo amaanka Xuduudka iyo qodobo la xidhiidha.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambassador Berhane waxay sidoo kale is-dhaafsadeen arragtiyo ku saabsan wada hadalkii dhawaan ka dhacay Jabuuti ee Somaliland iyo Somalia u dhexeeyay. Kulankan farsamo ee Somaliland iyo Ethiopia waxa sidoo kale lagaga hadlay Doorashooyinka soo socda iyo dano kale oo guud”

Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ku tagay Ethiopia ayaan ahayn mid Bulshada Somaliland iyo Warbaahinta loo bandhigay balse waxaa la filayaa inuu ku qotomo iskaaashiga Somaliland iyo Ethiopia, Gaaar ahaan Xaaladda Suldaan Wabar oo la sheegay inuu ku sugan yahay Buuraha Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com