Istanbul16Jan14(SDN) Wadahadalladan u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada iStanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo ay xalay iyo Shalay siyaabo kala duwan u gaareen wufuud ka kala socota labada dhinac oo horay dhowr jeer ugu kulmay dalkaasi islana meel dhigay in lasii wado Wadahadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.
Shirkan oo ah wejigii saddexaad ayaa socon doona mudo 3 maalmood ah, iyadoo Wafdiga kasocda dowladda Soomaaliya uu horkacayo siihayaha Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed halka Somaliland wafdiga kasocda uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Dibedda Maxamed Yoonis Biixi
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo Lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in furitaanka shirka ee maanta ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan dowladda Turkiga, kaddibna la isku afgartay in la sameeyo gudiyo farsamo oo muddada sadexda maalmood ah fududeyn doona sii socoshada wadahadalladan,
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalladan ay noqon doonaan kuwo miro dhal ah, maadaama qodobo badan ay horay iskula meel dhigeen labada dhinac kuwaasoo sababay in la iskaga soo dhawaado halkii la kala taagnaa,
waxii wara ee ka soo baxa kala soco qurbejoog.com xafiiskiisa wadanka turkia oo si toosa idinku soo gudbinaya wada hadalkan
Istanbul qurbejoog.com
