|

Waddani oo dhaliishay safarka Agaasime Xergeeye ee dalka Norway

Oslo November 06, 2022 (QJ) – Agaasimaha wasaarada Caafimaadka Somaliland oo boqaanaya dalka Norway ayaa wejahaya eedo la xiriira musuqmaasuqa wasarada iyo safarkiisa.

Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa qoraal ay kaga hadlayaan safarka Agaasime Xergeeye iyo fadeexada dul hoganaysa saxaafada u gudbiyay.

“Ka dib baadhitaano aanu galanay waxaa noo soo baxay in aanu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadku haba yaraate wax martiqaad formel ah aanu ka helin laamaha Caafmaadka ee Norway.” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Wadani Norway.

Madaxda xisbiga Waddani ee Norway waxa ay dhaliileen hogaanka iyo fadhiidnimada safaarada Somaliland ee Norway.

“Aqoonta iyo Xirfada xadidan ee Safiirku waa ta keentay in shakhsiyaad kale oo aan Somaliland xil iyo shaqo toos ah midna ka ahayn uu iska soo horaysiiyo markii uu madaarka Oslo ku qaabilayay agaasimaha. Shakhsiyaadkaas oo safiirka ka caawin kara inay u soo kaxeyaan laba qof oo cad cad oo safiirka iyo agaasime Xeergeye sawiro la gala.” ayaa lagu yiri warka Waddani Norway.

Xisbiga Mucaaridka Waddani ayaa Agaasimaha ku dhaliilay in uu dalka safar uga maqan yahay xili shicibka Somaliland ay la tacaalayaan xaalad caafimaad.

“Sidee ayay suurto gal u tahay in agaasimihii dhamaa ee wasaaradu uu safar u baxo xilli shacabi badani u sakaraadayaan xumad aan la cadayn waxay tahay, loona geeriyooday?” ayuu Waddani xoghayaha weydiiyay.

Agaasime Xergeeye ayaan ilaa haatan ka hadal ujjeedada safrkiisa iyo cida ku soo casuuntay.

 

Comments are closed