|

Wanqasha Degmada Balli Mataan ee Gobolka Maroodi Jeex,Arrinta Munaasibadaas Xiisaha Gaarka ah u Yeeshay DAAWO

Bali MataanHargeysa 31.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii Shalay Loo Wanqalay Degmada Cusub ee Bali Mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex Isla markaana ka Mid ahayd Degmooyinkii Cusbaa ee uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay.
Wanqasha Degmada Balli Mataan ayaa Kulmisay Siyaasiyiinta Somaliland ee Hanka Madaxweyne leh Sida Gudoomiyaha iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiyaha Iyo Murashax Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,Wasiiro,Fannaaniin,Aqoon yahan,Madax dhaqameed Iyo Qaybaha Bulshada.

13906792_10206226169204812_4088375341018585689_n-vertMunaasibadan oo ay ka soo xaadireen kumanaan qof oo  ku faraxsanaa in Balli Mataan u dallacdo heer degmo ayaa hoggaanka dhaqanka, indheer garadka iyo siyaasiyiinta deegaanka ee halkaasi ka hadlay  waxaa ay si mugleh ugu mahad naqeen cid kasta oo ka qayb qaadatay  go’aankii madaxweynuhu ku dallacsiiyey degmadan Balli Mataan taasi oo  hal ku dheggii wanqasheeda lagu suntay in ay tahay degmaddii Nabadda iyo Horumarka Somaliland.

“Lix iyo toban sannadood oo ay degmadani jirtay markii la aasaasay waxaa ay ahayd saddex dergadood maantana dhismayaasha ka sokow waxaa ay leedahay illaa sekandarigii” sidaa waxaa yidhi Sheekh Khadar Aw Xirsi Askar oo ah guddoomiyaha guddida horumarinta ee degmada Balli Mataan, kaasi oo khudbad kooban oo uu madashii wanqasha ka jeediyey kaga sheekeeyey maraaxilkii iyo sooyaalkii ay degmadani soo martay.

 

“degmadani waxaa ay aad u soo jiidatay dareenkayga, waxaanan halkan ka ballanqaadayaa haddaanu Hargeysa nahay inaanu degmada Balli Mataan Dhisno”. sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay guddoomiyaha golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo halkaasi khudbad ka jeediyey. Mr. Soltelco waxaa uu intaa ku daray ballanqaad cad oo uu halkaas kaga dhawaaqay kaasi oo isugu jiray lacag naqad ah iyo baabuur ay degmadu yeelan doonto “Gaadhigeedii ugu horreeyey ee degmadu yeellanaysay inaanu bixinno ayaanu halkan ka ballanqaadaynaa, waxaanan sidoo kale halkan ka bixinayaa shan boqol oo dollar oo aan mushaharkayga ka jaray oo aanu ugu talo galay in lagu dhiso degmada Balli Mataan”, hadalkaasi markii uu ku dhawaaqay duqa Casimaddu ayaa sacab iyo sawaxan u mahad naqaya deeqdiisa gole jooga ahayd waxaa halkaasi isla oogsaday dadweynihii madasha fadhiyey. Wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dhawaaqay qaadhaanka uu degmadan cusub dhismaheeda ku darsanayo “Anigu waxaan dhismaha degmadan ku darsanayaa shan milyan oo shilinka Somaliland ah”. Ayuu isna yidhi Wasiiru dawluhu.

Guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dhawaaqay qaadhaankiisa “degmooyin badan oo cusub baan tegey agabkan adeegyada bulshada ee degmadan Balli Matan leedahay kumaan  arag, kuwa hada jirana ma laha. Waxaa kale oo aan jecellahay in qaadhaanka la bilaabay aan aniguna  wax ku darsado shakhsiyan  waxaanan ku darsaday saddex kun oo dollar”. Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

2-Balli-Mataan 1-Balli-MataanDhinaca kale guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xafiiltanka qaadhaan bixinta degmada ka qayb galay waxaanu yidhi “degmadu markay mesha timaado waa in uu horumarkii yimaadaa, oo iskuulladii iyo caafimaadkii la helaa…. Haddii qoladdii WADDANI ay  lacag innagu xod xoteen aniguna shan kun oo dollar baan ku daray” ayuu yidhi Feysal  cali waraabe. Sidaasi si lamid ah waxaa isna halkaasi  ka hadlay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi “aniguna waxaan ku darsaday toban kun oo dollar” ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Fanaanadda Wayn Ee Caanka ah Khadra Daahir Cige oo halkaasi ka hadashay ayaa  iyaduna ballan qaaday in ay Guri ka dhisan doonto Degmada Balli-Mataan. Xog-hayaha Guud Ee Guddida Sahan Barwaaqo Yuusuf Maxamed Guuleed oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay Degmada Cusub Ee Balli-Matan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xarun Xanaanada Xoolaha ah laga dhisi Doono Degmada Balli-Mataan .

Ururka Barkhadle ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Madaxda kala ah, Duqa Caasimadda Hargaysa C/raxman Soltelco, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Maxamed Daahir Cukuse, Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Degmada Balli-Mataan Sheekh Khadar Aw Xirsi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe . Ugu danbeyn waxaa Degmada Balli-Mataan si rasmi ah looga dhagax-dhigay Dhismaha Xarunta Xanaanada Xoolaha oo ay si wada jir ah u dhagax dhigeen Wasiir Cukuse iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
Waxaa Munaasibada Wanqasha Degmadan Xiiso u Yeeshay Markii Siyaasiyiintan laga dalbaday inay Qaadhaan kaga qayb qaataan Kaabayaasha Horumarka ee Degmadaas.

Comments are closed