|

“Waxba yaanay Xukuumaddu ku Dawakhin Shirkaa Beesha Ciise Muuse, Gar iyo Gar-darroba Wuu ku Dhacayaa Cid Diidi Kartaana Ma Jirto” ..Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ka soo jeeda gobalka Saaxil ahna xildhibaan laga soo doortay Gobolka Saaxil ayaa waxaa uu sheegay in shirka ay hore u bayaamiyeen salaadiinta Beesha degta gobalka Saaxil ee Dan iyo Duco 2 uu qabsoomi doono isla markaana aanay xukuumadu is hor taagi Karin isaga oo sheegay in shirkaasi Gar iyo Gardarroba ku qabsoomayo oo aanay jirin cid is hor taagi kartaa.

xildhibaan siciid cilmi roobleXildhibaan Rooble oo ka mid ah xildhibaanada KULMIYE Gobolka Saaxil uga soo baxay balse wakhtigan ku abtirsada xisbiga WADDANI kana mid ah xildhibaanada ugu hadallo cad golahaasi ayaa waxa uu baaq u diray xubnaha xukuumadda kaga jira beesha Gobolka Saaxil oo uu ku tilmaamay kuwo la isticmaalayo berrina marka laga dhammaysto danta la eryi doono oo la iska tuuri doono sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo warbaahinta la hadlayay waxa uu yidhi: “Shirkan ay leedahay xukuumaddu, waxaan u sheegayaa in shirkaasi dhacayo oo uu qabsoomayo umadduna ku tashanayso. Meel kasta ha tagto, wuu dhacayaa shirkaasi waanu qabsoomayaa. cid Allaale cid u diidi karta beesha shirkoodaasi ma jiro. cid u diidi kartaana ma jirto. Horena waa loo soo qabtay shirar dhawaana waa la galay oo beel waliba way shirtay taana waxaan leeyahay gar iyo gardarroba shirkaa beeshu wuu dhacayaaye waxba yay dawikhin xukuumaddu”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo si gaar ah farriin culus ugu diray Xubnaha xukuumadda ugu jira beesha Gobolka Saaxil waxa uu yidhi: “Masuuliyiinta reer Saaxil ee xukuumadda ku jirtana waxaan leeyahay oo aan baaq ugu dirayaa sidan aad waddaan si ma aha, waar maalinba nin baa fadhiya kursiga, waar waa la idin isticmalayaa berritona waa la idin tuurayaa, ayaanba nin baa kursiga fadhiya magac xumo iyo tol la’aan iyo cidhib xumo intaasiba way idinku dhici doontaa haddaydaan hawlahaa sidaa ka dayn” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid C. Rooble.

Comments are closed