|

Waqti tagaan tabay !

Tacabkii waalidka iyo barbaarintii  caruurnimo kadib wuxu nolosha ka gaadhay heer uu is yidhaah  nooshaada waad maamulikaraysaa wuxuna u arkay in waalidkiisa go’aamada ay ku idhaahdaan fuli  iyo waxa naftiisu rabtaa iskahor imanayaan oo kuwa  walidkii noloshiisa dib udhac ku keenayaan kuwuu isagu qataana yihiin kuwa ugu saxsan.

 Muu gaadhin waqti noloshiisa lagu sii daynkaro kaligii caqligiisuna kuma filayn qorshihiisuna wuxu ahaa  noloshiisa cidnaba aanu kala tashayn  kolba sida  qancisa.u noolaado .waldkii way dareemeen in isbadal ku yimi siiba hooyadii wayna ka yaabtay waxa helay waayo hooyadu waata dareenta markaaba is badalka ku dhaca caruurteeda markasta oy ku tidhaah sidani kuuma fiicna wuxu ku celcelin jiray hadda waan waynaaday  waxii sax ah iyo waxa khaldana waan kalagaranayaa hooyo.

Wuxu talaabo talaabo isku badalo ugu danban mamulkii noloshiisa gacantu ku dhigay kana dhexbaxay la tashigii walidkii isagoonay badnayn gu’yada uu jiraa ayuu dhexgalay bulshadii bulshada u dhexgalay waxay ku keentay saamayn badan iyo inuu raaco da’yar kale oo iyaguna dabad baxa .

Waxa dhib ku noqotay waxbarashadii waxanu aaminay in waxbarashada dalka lagu helayn aduun ee daal laga faa’iido. waa uu  imanjiray  goobaha ay geyeen walidkii si u wax u dhigto balse muu lahayn dadaal uu ku horumariyo waxbarashadiisa waxanu u arkaayay in walidkii ka eryi donaan guriga haduu ka hadho waxdhigashada.

Bulshada dhexdeeda  waakasta waxa uga soo kordha dhaqamo aan fiicnayn wuxu gaadhay heer waxbarashadii uu marna tago marna jaro natiijada u soo baxdaana ay ahayd tu hoosaysa halka dhalinyarada la jaarka ah ama ay` isku fasalka ahayeen keenijireen wax fiican ama la siinjiray abaalmarino.

Ugudanbay wuxu dhamaystay dugsigii hoose isagoon lahayn aqoon u ku tago mid sare taasi waxay ku keentay niyad jab walidkii oo jeclaa in ilmahoodo ahaado ka ugu fiican halku isagu u arkaayay waxa ay larabaan in noloshiisa ay dib udhigayaan ;aabihii baa u fikiray waxanu is idhi u samee shaqo bal inuu dhankaa ku fiicnaado ,waxa  lo sameeyay dukaan aqalka aktiisii wanay farxad galisay isaga sababtoo ah muu rabin waxbarasho.

Wuxu halkii ka shaqeeyo dukaankii maalintii odhan taagnaado habeenkiina xili danbe seexdo waxa dhamaystay waxbarashadii ardaydii ay isku midka ahayeen kana qalinjabiyay jamacadihii  ninba ilaahay wuxu siiyaba way shaqotageen,halka qaarba ay shaqo sare uga sii dalacayaan ayaa isaga noloshiisu tahay wareegaas oo ah inuu subixii furo dukaanka habeenkiina xidho oonu ulahayn horumar iyo sare u socod toona .

Ugudanbayn wuxu go’aansaday inuu guursado uu yagleelo gurigii u ku nasan lahaa.isagoo helay gabadh aan cilmi lahayn waayo hablaha aqoonta lihi waxay had iyo jeer ku fikiraan ninleh aqoontooda mid ka badan mana hungurayn karo ; qoyskoodii way ku farxeen wana lacaawiyay  aqal dhiskii kadib waxa lagu yidhi ku filnaw reerkaaga masuuliyadiisana qaad mar hadii lagaa cawiyay qaybtii ugu adkayd.

Waqti kidib waxa ku adkaaday musrufkii qoyska waxa ku filnaan waayay dukaankii ay bishanayeen qoyskii u dhistay iyo isagoo qaadka iyo balwadihii u bartay u dhigmayeen masruufka reerka oo kale , waanay ku adaatay inuu buuxiyo baahidii qoyskiisa ugu danbayna waxa kabaaba’ay dukaankii waxanu so istaagay faro madhnaan meel uu waxkale ka keenana uu garanwaayay

Aabihii marlabaad inuu caawiyo buu isku dayay waxanu isidhi shaqo uraadi,uma raadin karo shoqo aqoon ubaahan  uu ogaa in wiilkan u dhalay midhba  aqoon dad ay xigto ahaayeen iyo kuwo ay isgaranayeen oo meherado ganacsi haysta buu isku dayay inuu idhaah meherada haydiin hayo mushaharna siiya qaar  badan waxay ku xidheen inaanu balwad lahayn wiilkiisuna ma buuxin karo shardiga lagu xidhay  odaygii wuxu daalaba waxa ugu danbayn ka ogolaaday nin ay qaraabo ahaayeen oo haystay bakhaar waxanu kula heshiiyay inuu siinayo lacag wiilkuna meherada la hayo.

Mushaharkan uu qaadanayay wuxu  ahaa mid ku filan reerka uun balse isaga iyo qaadkiisba may soo dhaafin sababtii aabihii ushaqogeeyay may ahayn inuu qaadka soo shaqaysto balse inuu ku daboolo baahida qoyska iyo caruurta uu dhalay  waxana bilaabmay khilaaf isaga iyo ooridiisii ah iyadoo ka rabtay inuu sida raga waaiibkiisa ka soo baxo qoyskiisana u keeno waxay  u baahanyihiin .

Balwadii waxay ka reebtay shaqdii maalmo uu seexday iyo maalmo uu cagojiid ku tago oo u  habsaamo kadib mulkilihii meheradu uu udulqaadan kariwaaay uuna ka eryay meheradiisii .xaaskiisii ayaa gashay  kaalintiisii wayna shaqo tagtay si caruurteeda u koriso una gaadhsiiso qayrkood;waxay fadiisatay suuqa ilayn iyaba malaha aqoon ay ku hesho shaqo fiican.

 Wuxu ku noolyahay  shaxaad iyo inuu maalinba qof ka mid ah reerkooda iyo asxaabtii ay wax wada baranjireen ay  siyaan xogaa lacaga maalmana ay qaar ku yidhaahdaan waar waxba mahayno .

Wuxu isku dayay inuu ka fikiro caruurtiisa kana badbaadiyo nolosha uu kujiro mid kafiican inay ku noloaadan  kuna dadaalo inay waxbartaan. mahaysto lacag si uugu daro dugsiyo wanaagsan dhiirigalina uma samaynkaro oo kudayasho uma noqon karo hooyo barbaarintooda sifiican ugu  dadaashana ma haystaan  waatan ka baxda aroorta hore soona noqota  xili danbe  si ay ugu soo raadiso waxay cunaaan

Mudo kadib waxa ka adkaysan waayay waalidkii waxayna isku dayeen in caruurta ku daraan waxbarasho inta gaadhay kana bixiyaan fiiga  si mustaqbalkoodu u wacnaado wayna geeyeen goob waxbarasho .waxa adkaatay inay dhigtaan waayo ma haystaan waalid kudaba taagnaada waxbarashada ilayn meesha waxa ka maqan barihii kobaad oo hooyada ahaa caruurta oo yar yar una baahan daba socod iyo ladadaal inta ay laqabsanayaan waxbarashada baa subax aan tagin subaxyona soo noqda  iyagoo ka faa’iidaysanaya maqnaansha hooyadood. Abahood baa isku dayay inu  ku qasbo inay waxbartaan markasta oy jaraan waxbarashadana uu diliijiray

Hooyada caruurta dhashay waxay ku odhon iirtay hayga dilin caruurta ilayn adaa gabay kaalintaadii wakaa qayrkaa caruurtooda nolol fiican ku hastaane,  waa adoo kaloo faa’iido yeelan mayaane madaa aqoonleh tiisaba daryeelaa tukalana kudara may fahansanayn ba qiimaha waxbarashada

Wuxu arkay caruurtiisii oo maray wadadiisii awood umalaha uu kaga leexiyo waayo naftiisa ugu filan ceeb. wuxu arkay ardaydii ay waxwada dhigan jireen oo kunool nolol quruxbadan caruurtoodiina ay mareen wadayay iyagu mareen siduu u fikirayay wuxu noqday wadacirro murugo ayuu galiyay walidkiis ,kuwuu dhalay  iyo ooridiisiiba

Ugu danbayn wuxu xaqiiqsaday waqtiga aadmaha ugu qaalisan inuu yahay waqtiga dhalinyarta layahay qofka dadaalaa nasasho badan helo marku waynaado waxbarashaduna  tahay wadada ku gaadhsiinasa nasashada; qofka oo naftiisu toosnaado uu toosinkaro cidkale kudayasho unoqon karo ubadka uu dhalo ,bulshada ku xeerana ka helo sharaf iyo karaamo.

Wuxu xaqiiqsaday qofka iska lumiya jaaniska dhalinyarnimada iyo waqtiga ay agtaaganyihiin walidkii dadaalna kaga faa’iidaysan uu noolaado waqti uu kali yahay muruguna ku noolaado dadka ku xeerana aanu ka dhex helin sharaf qaar marka ay arkaan uga leexdaan wadadda iyagoo ka baqaya inuu shaxaad waydiisto ,caruurta uu dhalo iyo tafiirta ka sii danbaysaba uu u horseedo nolol madaw oon horumar lahayn waayo awr ka danbe awrka hore ayuu socdkiisa leeyahay wuxu xasuustaa taladii waalidkii uu iskala waynaaday oohin iyo niyadjab daran iyo qoomamo talaw maan maqlo barigiii waxa ka soo hadhay AX AX WAQTI TAGAAN TABAY

W/Q :Hafsa Mohamed Ibrahim

                           sheeko

Comments are closed