|

Waqtigii Xaqiiqada Somaliland & Somalia (Jidka Rajada )

Haa waxa la gaadhay xiligii caalamka laga yaabin lahaa sidii,looga
yaabiyay 1960 iyo xiligii Dabaysha Soomali wayn ee ay Qawmiyadu sida wayn isugu heelanayd ,maantana waxay gaadhay waqtigii mar labaad Dunida iyo Qawmiyaadka kale laga yaabin lahaa ,lana tusi lahaa in ay Soomaali waligeed soomaali tahay,siwalbana ay isku mid tahay .

Haa inagoo sideena u kala maqan oo u kala qo’qoban ayaynu soomaalinimdu waxay tahay tusaynaa dunida oo fajac ku ridaynaa .

Hadii shalay la isku soo qar’racnaa maantana la isku keen kari-laayahay ,hadana soomaalinimadu waa wax marwalba inaga dhaxeeya aynuna u baahanahay inaynu Qawmiyadnimada wada ilaashano iyo magaca,sharafta oo intuba yihiin qiimahaaga dadnimo.

waa hubaal oo waa xaqiiq inay quruxbadnayd 1 soomaaliyeed oo midaysan xuduudo iyo calamana aan kala sheegan ,balse nasiib daro ma suuroobin mana suuroobi doonto soomaali Hal qaran wada leh oo hal Madaxwayne wadaagtaa ,sababtuna waa soomaalida oo aan waxba wadaagi karin waxna wada qabsan karin sababo jira awgood iyo Hab-dhaqankeena oo aynu kaga duwanahay caalamka intiisa kale , waxaynu nahay col colkood go’ay hadana waxaynu nahay dad midaysan oo wax ay isku diidaanba aanu jirin sidoo kale wax ay ku kala duwanyahiinba aan lahayn ilaa hadana qawmiyaadka kale ee dunidu markay ina darsaan mar way inaga hinaasaan marna way inala yaabaan.

Marabo inaan waxyaabo badan hoos ugu dago ,laakiin iyadoo wax wal oo gudaheena ahba ay sideeda inoogu dagamsanaanayaan waxaan jeclaystay inaan guudka ka soo istaago,si aan xal-keena u helno inagoo ka duulayna  waayo aragnimada iyo Khibradaha aynu hore usoo tijaabinay si aynu u helno jid iyo waji cusub oo aynu qaadno.

Sooyaalka dhaw :-

Waxa taariikhda ku xardhan  in qawmiyadeena waligeed aanay qawmiyaadka ku xeeran  ka xoog iyo itaalba roonaan siwal oo ay isku qabtaan deegaan iyo hanti kalena aan xoog lagaga qaadan.
Balse aqoon iyo awoodo kale oo europian ah ayaa inakala qaybsaday oo aynaan tahli karayn hadaynu si wal ula dagaalo waqtigaas , waabaynu la dagaalay hadana la inaga awood iyo itaalba roonaa , waxana hubaal ah hadii guumaystayaasha europ oo mid ah iyo soomaali oo mid ahaan lahayd is-haleeli lahaayeen waligood waxay hub iyo saanad haystaanba inagamay xoog roonaadeen  waa hubaal oo waxaan taas u leeyahay dadkaygaan aqaan kartidooda iyo awoodooda.

Guumaystahaa saancadaalaha ah kaligeen inagumuu habsan balse qaaradeena iyo dunida badankeedu waa inala qabtaa dulmiga iyo gardarada cad ee ay nimankaasi gaysteen qarniyo hortood ,ilaa hadana ay wadaan hadba waji iyo magac ha u baxsheene.

Waa taariikh haba madoobaatee waxa marag madoon ah in qawmiyada soomaaliyeed loo qaybsaday 5 dhanbal ,intaas laguma dayn ee hadana si’aanay u midoobin waa lakala dilay oo lakala faquuqay iyadoo la adeegsaday Isir-raac aan jirin oo loo kala abtirshay.balse la inagu socodsii oo taasi u hirgashay Gumaystihii diirka cadaa ,hadii aanu taasi ku dhaqaaqi lahayna umuu suurtogaleen Damaciisu waxa uu daarnaaba.

Isma lihi waxa jira ruux soomaliyeed oo taariikhdaasi caad ka saranyahay ama aan ogayn ,Quwadihii dunidii waqtigaas oo u badnaa Europian ayaa ku taagsaday Qawmiyadaas Islaamka ah ,iyadoo ay cadaawada ku kasbadeen Diinta Islaamka iyo waxyaalo kale oo u dheer oo aanan hada diyaar u ahayn inaan ku daadago.

Taariikh dabadeed soomaali waa 5 dhanbal :-
(1)France Somaliland (R.Djibouti)
(2)British Protoctrate Somaliland(J.Somaliland)
(3)Italian Somaliland(J.F.Somalia)
(4)Ogadenia (D.D.S.E)
(5)N.F.D (Kenya).

Taariikhdaas dheer waxa i galiyay sideedaba Taariikhdu waa waxa kali ah ee qaladaad dhacay lagu sixi karo marka dib loo raaco si aanay u soo laaban iyo si wax loogu qaato ,waxaana Daliil u ah waxaynu nahay Bulsho Islaam ah oo Rumaysan Kitaabka Quraanka,oo ka kooban 114 Suurat ama Cutub hadii Percentage aynu u rogno Quraankaasi 70% waa Taariikh uu ilaahay kaga hadlaayo Qoomamkii hore iyo siday ahaayeen kuwii guulaystay kuwii la halaagay si ay digniin inoogu noqoto hadaynu nahay Umada Nabi Muxamad C.S.W waxay ila tahay taasi waa cadahay sida caanaha Geeleena oo kale.

Soomaalidu waxay ku hoos jirto Saancadaalahaas kala qaybsaday waxay noqotay  Qawmiyad jabtay waxa jiray halyeeyo u kacay inay iska xoreeyaan Gumaystaha dadkoodana baraarujiyaan ,laakin taasi ma guulaysan oo waxa ka sii hortagay Saancadaalaha oo dadkii kala dhigdhigay oo laf iyo jiidh u kala saaray ,si’aanay uba istaagin Halyay-wal oo u soo baxabba.

A.H.U ninkii diidayaabe ha diidee waxa ku suntan oo siwayn uga horyimid Guumayste waa Sayidkii ina Cabdule Hassan (Daraawiish)laakin waxa jabisay kala qaybsanaanta dadkiisa.

Markan waxa soo dhawaaday waqtigii xornimada oo guumaystayashii waxa lagaga kacay dunida oo dhan Qawmiyadwalbana way ka hortimid Heeryo saarnaata .
Haba dheeratee mudo ka dib waxa Hirgalay oo Alle Galadiis suurtowday in lagu guulaysto in la diro oo la kacsho Saancadaale.

5tii dhanbal ee soomalidu u kala taalay waxa ugu horeysay oo Heeryadii iska Tuurtay waa  Goboladii British Protactrate Somaliland ,la Heensee oo loo Hees Dawladnimo iyo calan in la saarto waa Hargeisa iyo 1960-26-June .
waxa markaas aad u xoogana dabaysha qawmiyaadka waa dunida badankeedee balse soomaali marwalba taasi waa ku taamaysay dunida horteed hadaad u kuurgasho suugaantoodii ka horaysay xoriyada waad ku arki marar badan –hadase diyaar uma ihi soo bandhigideeda taasi.

Isla sanadkaas 1960 waxa 5maalmood oo kali dabadeed xorowday oo loogu dhawaaqay Italian Somaliland waa Muqdishee iyo 1960-01-July ,isla maalintaasi soomaali waxay u ahayd farxad sokodeed maalintii ay dhigeen dhagaxii u horeeyay ee yagleelka iyo ka dhabaynta soomaali midaysan oo aan ku hoos jirin gacmo Gumayste.

Waa halkay ka bilaabmayso dhamaan taariikhda Dawladnimo  Soomaaliyeed,Soomaalidii Waqooyi ”waa marka lagu hadlo afka koonfurtee”, Waxay isku  biireen lana midoobeen soomaalidii Koonfureed+(Haa hadii waqooyi waqooyi noqday saw koonfurina koonfur maaha)Haa…. waa sax malaha ceebaale.

Midnimadaas iyo dhagax dhigaasi cusbaa waxa la rabay in la horseedo midaynta soomaali Dawlad wada leh,Asse taasi markiiba Gumaystihii Habaarka qabay ka dagaalan oo markan dhanka Qalinka iyo Aqoonta inagula dirir…maxayse tahay ujeedadiisu …Islaam noolba ma rabo inuu arko ? Ma ku qanacday ? Mise inagaan …?

Halkaas sare hadaan saafo waxa la cumaamaday oo si qurux badan oo adigu cun iyo adigu na hogaami ah waxa ku soo baxay  Mudane Aadan Cismaan Cabdilaahi (A.Cade)iyo Mudane Raysal Wasaare Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke  AHU labadoodabee,isla waqtiyadaasba marka la arkay in Soomaali xawli ku socoto oo israbto sidaana aanay ku kala maqnaanayn waxa la qabtay shir Caalami ahaa oo wadamada Africa la iskugu keenay waxa lagu kala saxiixday Qodobo door ah oo uu ugu muhiimsanaa in Xuduudaha Africa sidaasi Guumaystuhu kaga tagay loo daayo,xiligaasi may muuqan ama may jirin baahi keenta qodobkaasi laakin waxa ka faa’idaystay fursadaas Wadamada Dariska oo dantoodu ku jirtay Damacna ka hayay Dhulalkii Soomalida ee Gumaystuhu u Gacan gashay ,Nasiibdarose way dhacdee Heshiiskaasi waxaan marnaba diidin kana Hor imaan Madaxdii markaas matalaysay soomalida ee ka soo qaybgashay 2daas Marxuun midkuu ahaaba(waa xaqiiq balse anigaan hada saxayn midkoodna,asse saxiixoodu waa yaalaa AU da)laakin taasi dhigeeda waabay Ogolaadeen waanay saxiixeen Qodobkaasi,Maalintaas oo aanay soomali dhaadanayn ayay saqiirtay Rajadii iyo Aragtidii Soomaali wayn la odhan jiray.
Intaas maxaa ka danbeeyay hadii la dabray oo intaas lagu moosay in soomaali midowdo hadaba anagaan ahaynba dad qoraal yar iyo saxeex warqadeed kala xidho ee xoog iyo Qasab ayaanu muujinay inaanu rabno in aan ku midowno waanaanu kaga dhabaynay oo dagaalo ayaanu ku qaadnay Dariskii iyo dhulkii nalaga haystay ,waxaa suurowday oo aanu ku guulaysanay in aanu dhulkayagii iyo koodiiba badh qabsano laakiin cabaad iyo qaylo dheer dabadeed hiil qabyaalad diimeed ah ayay dunidu siisay haday tahay EU,AU Dalal waawayn ;iyo qudhun qadhaadh oo dhan Halka soomaali Alle mooyee aanay cidina soo gargaarin,waliba lagu qasbay dhulkay xooga ku qabsatay inay faaruqiso oo dib uga wada baxdo xadkeeda loo aqoonsanyahayna dib ugu laabato.
Dunidii dhamayd Dulmigaasay isku raacday oo sandule ayay inagu noqotay markan in aynu qaadano Amarkaas.ficilkaas iyo Go’aankaasi Adkaa ee Geesinimada lahaa dabadii la inama arag oo dhaqaalaheeniiba dhulka galay,haduu dhaqaale xumo timaadana waxaa hubaal ah in la iscuno oo lawada busaaradoodo waxa inoo raacay faro galin shisheeye iyo iyagoo ogaaday in aan la ina dhayalsan karin Umadeenan ee barteena la’inagu suuxiyo tab iyo xeeladba.

Waa la isku keen diray oo waynu is-nacnay inagoo ka hornimid Dawladeenii Kacaanka ahayd ee aynu Beryo lahayn Barakaale.Shacab iyo xukuumad isnacay maxaa laga fishaa,Kacaanku waxa u dheeraa Macangag-nimo iyo Qadhaadhood uu kula dhacay shacabkiisa cabudhin iyo Raafid buu ku kula kacay Shacabkii,Soomaalidii somalia sii gadoode oo Jabhado la istaadh haba kala hor dhiiradeene kuwii inoogu nacabsanaa lala soo heshii waa marka ay sii aasantay Soomaalinimadiiye , isna waa badhaadhahiisee usoo Hagar bax Xarumo iyo Saanad iyo Taageeraba soo sii Jabhadihii.Kacaankii sii dhalaal oo sii dhafiif ciil iyo Qamax ka sii qaad ficiladaasi waxuu awoodaayayba samee , balse nasiib daro xili xeedho iyo fandhaal kala dhaceen Jabhadihiina libbin istuseen Awoodiisii Kacaanku siyaasad iyo maslaxaad u badal,markanse taasi ma suurtoobayso oo waa Col-hortii jabay, xanaaq iyo cadho ka sii qaad diidmooyin qayaxan oo uu ka helay madaxdii Jabhadihii kala gedisnaa.markan Cadawgiisii ugu waynaa heshiis iyo saaxiibkiis Rumaad kaba dhigay si uu dantiisa u gaadho,taasi waxay u suurto galisay kumuu qasaarine inuu kala dhantaalo Awooda Jabhadaha ka soo horjeeda oo midbaa meeshii ka baxaday ,waa Go’aan kale oo aad u qaldanaa oo sii fogeeyay soomalinimadii,cududiisii ugu xooganaydna isticmaal la isku nafbax isaga iyo mid ka mid ah Jabhadihii si wal oo uu yeelayba ku fashilan markanna oo ku guuldaraysay inuu ka awood roonaado Jabhadii kali ahayd ee ka soo horjeeday isagoo adeegsanaya kala dil iyo isku dil umadeed nooc walba,dagaal saxaafadeed oo fog iyo xasuuq shacbi oo islahaa ku wiiq Awooda Cadawgiisii oo ahaa shacakiisii waa Jabhadiiye,markanse wali waa faashil malaha Odayga Guul-darada way wada dhasheen .
Haatan wax waliba waa gabaabsi dhamaan xataa shinbirihii aya ku ciyay iskadaa cid kaloo aadyar laga tuqaantuqi qasrigii loo gali la’aa naftiisa la baydhbaydh.
Maxaase ka danbeeyay iskaba huleelye wadaadkii waa siduu sheegee Dalbaa ka danbeeyay balse Dad kamuu danbayn waa dad is hiifay oo is haaraamay oo kala saftay oo la isu nacsiiyay si badheedh ah ,isku dar kala isirayntii Saancadaalaha iyo isu adeegsigii Kacaanka ayaa ina dhaxal siiyay wajiga aynu shalay-dhaw iyo maantaba aynu ku kala suganahay ee ah kala qoqobnaan iyo kala maqnaansho,intaasi waa marka aan Hoosba loogu daadagin Haaramaha iyo Mililka boogaha iyo nabarada damqanaaya ee dhamaanteenba inagu yaal.
Hadaba Caqliga saliimka ahi waxa uu ina siinayaa in aynaan mardanbe marin wadadaas aynu ku jabnay ee aynu ku hoognay ee uu nin walba uu xaqiisa helo iyo sida uu raali iyo mabsuud ku yahay inagoon isku colaadin iskuna faquuqin,waa markaynu wada ilaashanayno magaca iyo sharafta qawmiyadnimada inaga dhaxaysa oo maanta meel hoos hoose oo aad u liidata taala una baahan Dareen kale iyo Jawi-Xiise aad u sareeya inaynu abuurno taasina waxay ku suurto galaysaa in nin waliba helo xaqiisa uu raaliga ku yahay kuna qanacsanyahay oo aan ninna la duudsiyin,maadaama aynaan kala soomaliyaysnayn ee aynu wada soomaaliyaysanahay balse kala Aragti duwanahay markan oo aynaan sidii shalay isku aragti iyo Mabda’toona ahayn ,hadaynu jidkaasi qaadno iyo qaanuunkaasi oo ay Islaamnimada iyo waaya aragnimadu ina farayso aynu waxbadan ka soo kaban karno si dhaqso leh ,lana arki doono inagoo hadana mar kaleeto aad isugu soo hiloobayna sidii shalay sababtoo ah waxa inakala xidhayaaba waa quluubta ee aynu quluubta isu saafi yeelo nin walbana ka furno xiqdiga ,xasadkana yarayno maanta wado waliba inoo jeexan nin walibana dooray oo raac wadadiisii uu u arkaayay dariiqa rajada iyo badbaadada.
Haa waa kaas warkaygu sikaleetana iima muuqato walaale ee aynu dushaana iska eegano oo iskala socono,dibna u kala uruursano si aynu usoo kabano Boogo badana usoo bogsiino,taasaa inoo horseedi karta waji iyo Aragti cusub oo kale Ilbaxnimaduna ku jirtaa Qawmiyado badan oo sideena ahina yeeleen oo ku kala bugsadeen.
Hadiise sidaasi raaliga lagu kala yahay la diido waa ayaan daro kale oo ka sii daran kuwii aynu soo marnay oo ina soo waajahda dhankay doontaba ha ahaatee,laakiin waxa in laga feejignaado ay tahay dunida oo iskukeen sii hurinaysa ..hadaba soomaali waa soomaali calankuu sudhaba ee taasi hala muujiyo sidii shalayba loo muujiyay,shalayna iyagaa nakala qaybshay ee haka faa’idaan dalalka europ .Hadaba nin wal oo soomaaliyeedba waxa la gudboon inuu dantiisa ku arooro oo aanu ku mashquulin danta nin kale oo tashaday waxna qabsaday.
La soco Maqaalka Xiga oo xanbaarsan Xogo iyo Xaqiiqooyin Qeexan oo saafan.

Mazid-7@hotmail.com
Aragtidii iyo Qalinkii
M.foodcade

Comments are closed