Uncategorized

War Degdeg ah: Xalkii Golaha Wakiillada Oo Adkaaday Iyo Guddidii Dhexdhexaadinta Oo Muddo-kordhin Dalbatay

Hargeysa:Nov,18,2014(SDN/QJ)-Guddidii Ku Hawllanayd Daminta Khilaafka ka dhex aloosan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaacisay in lo kordhiyo Muddadii ay qaateen Oo Maanta ku Ekayd.

lefGuddidan oo ka kooban xubnaha Ugu Miisaanka Culus Aqalka Golaha Guurtida somaliland, ayaa wararka aanu ka Helaynaa waxa ay tilmaameen inay soo direen war aan saxaafadda loo sheegin oo ah in la sugo ilaa iyo la gaadhayo maalinta sabtida ah ee soo socota oo taariikhdu tahay 22,11,2014-ka, iyagoo muujiyey sida ay weli arrintu u culus tahay.

Warka Qurbejoog.com, helayso ayaa sheegaya in dhinacyada isku xilsaaray inay turxaanta jira meesha ka saaraan aanay weli helin wax xal noqon kara, isla-markaana ay dalbadeen in muddo kale la siiyo si ay arrinta u soo axadhaan.

Kooxdan dhexdhexaadinta wadda ayaa la sheegayaa inay warkoodan cusub ku wargeliyeen dhinacyadii arrintu khusaysay, waxase aan la hubin qaabka ay labada dhinac ee Muranku Dhexyaalla u arkeen Muddo-kordhintan cusub ee soo kordhay.

Xubnahan Dhexdhexaadinta wadda oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ilaa shalay Kulamo kala duwan la lahaa Dhinacyada is haya, waxana ay xogo dheeri ka qaadanayeen tabashada labadan dhinac oo ilaa iyo haatan aan la haynin wax lagu xalliyo.

Xubnahan oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maalintii sabtidii baajiyey Kulan Golaha Baarlamaanku u ballansanaa oo ay doonayeen inay Meesha kaga tuuraan Guddoomiye Cirro, waxase muuqata inay ku adkaatay Helitaanka Xalkii lagu dhamayn lahaa Xurguftan sababtay inay tiro dad ah soo gaadho dhimasho iyo Dhaawac.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com