|

Wararkii u dambeeyay Xaalada Sheekh Maxamed Umal oo Qaliin Culus ku Galey Dalka Hindiya

Delhi  5. February,2016(SDN/QJ):– Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida cullimada waaweyn ee dhulka Soomaalidu degto oo xaalad caafimaad u jiifay cisbitaal ku yaala Dalka Hindiya ayaa xaaladiisa caafimaad kasoo raynaysaa kadib marki uu galay qaliin culus oo lagu sameeyay.

sheekh-UmalSheekh Umal oo qoraal kooban ku baahiyay degalka uu ku leeyahay barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga  ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsantahay Islamarkaana uu kasoo baxay Qolka ICU-ga.

Sheekhu waxaa uu u mahadnaqay umadii usoo duceynsay islamarkaana ka naxday Xanuunkiisa .

Qoraalka Sheekh Umal ku baahiyay Facebooga waxaa uu u dhignaa sidan:-

“Asc.wrx wbr Alle ayaa mahad dhamaanteed mudan oo iska leh,kadibna waxaan u mahad celinayaa dhammaan culimadii iyo akhyaartii iigu soo ducaysay caafimaadka. waxaan idinku bishaaraynayaa in qalliin culus kadib xaalkaygu fiican yaha, aanan kasoo baxay qaybtii ICU-ga oo aan joogo qolkaygii isbitaalka, aadna waan ugasoo raynayaa Alle mahaddii. ducadiinii ilahay waa ii aqbalay sidaa daraadeed aad ayaan uga soo raynayaa.”

Comments are closed