|

Iskaashatada Caanaha ee Suuqa Gobanimo oo W. Xannaanada Xoolaha & Dawladda Hoose ka Ashkateeyay Ganacsato Dacaayado ka fidiyey Nadaafadda Caanaha

Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Iskaashada Caanaha ee Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyey Dacaayado ay sheegeen inay Tayada iyo Nadaafadda Caanaha ay iibiyaan ka fidiyeen Xubno Magaalada Hargeysa ka furtay Meherado si gaar ah loogu iibiyo Caanaha Geela.

Iskaashatada-Caanaha-3Haweenka Iskaashatada Caanaha ee Barwaaqo, ayaa sheegay in Ragga leh Meheradaha lagu iibiyo Caanaha Geella ee Magaalada Hargeysa, ay Suuqa gashadeen in Caanaha ay iibiyaan oo Koobkiiba ay siiyaan Hal dollar ay ka soo liseen Geel ugu dhaqan deegaanno ku dhow Hargeysa, laakiin, taasi tahay waxba kama jiraan oo Caanaha ay Magaalada ka iibiyaan ay ka qaataan Suuqa Gobanimo, qayb ka mid ahna ay soo iibsadaan Xoolo dhaqatadii hore Caanahooda ugu sii diri jiray Suuqa Gobanimo oo ay ugu tageen Xoolaha dhexdooda.

 

Iskaashatadu waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in Meheradaha lagu iibiyo Caanaha Geella ee Magaalada Hargeysa ay Suuqa geliyeen in Caanaha la keenno Suuqa Gobanimo lagu daro Kiniinka Kaabsoolka oo aanay sax ahayn.

 

“Haddaanu nahay Iskaashada Caanaha Suuqa Gabanimo ee Barwaaqo, waxaanu caddeynaynaa in Guud ahaan Caanaha yimaadda Hargeysa ay halkan yimaaddaan oo aanu ka sii qaybinno, laakiin, Niman Dan gaar ah leh baa yidhi Caanaha laga keenno Galbeedka waxa lagu soo daraa Kiniinka Kaabsoolka. Annagu ma naqaanno Kaabsool iyo wax Caanaha ka ilaaliya inay dhanaannaadaan. Caanuhu markay yimaaddaan waxay u qaybsamaan Saddex nooc oo kala ah, Nooc wuu xumaadaa oo waalla daadiyaa, Noocna dhannaan buu noqdaa oo dhanaan ahaan baa lagu iibiyaa, Noocna Dhay ahaanbaa lagu iibiyaa oo Meheradaha ayaa kala qaata. Laakiin, Nimanka Caanaha ka qaata Gobanimo ee haddana odhanaya Geelayagii ayaanu soo maalnay, ee wax ka sheegaya Caanihii ay Suuqa Gobanimo ka qaateen waa Nasiib daro, waayo? Caanaha Hargeysa lagu iibiyaa waa Caanaha Suuqa Gobanimo la keenno.” Sidaa waxa sheegtay Guddoomiye ku-xigeenka Iskaashada Caanaha Suuqa Gobanimo ee Barwaaqo Luul Axmed Xasan oo ka hadlaysay Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Xaruntooda Hargeysa, waxayna intaa ku dartay, “Dadka Dacaayadaha ka fidinaya Caanuhu waa Nimanka yidhi Geel baanu leenahay ee Geella aan lahayn ee meelihii Caanaha looga keenayey Suuqa Gobanimo u kaxeystay Gaadiidka ee Haweenaydii aan Anigu markay Caanaha ii soo dirto aan Soddon kun u dirayey ku yidhi konton kun naga sii ee ka siistay.”

 

Luul oo sii hadlaysa, ayaa tilmaantay in Ganacsatada Caanaha Geela ku iibiya Suuqa Hargeysa ay Sicir barar ku rideen Caanaha, “Haweenayda Xeradeeda dhexdeeda Caanaha lagaga dhex iibsaday Aniga Caano miyey ii keenaysaa (ii soo direysaa), Sicir barar bay Nimankaasi Caanaha ku keeneen, konton kun bay Caagadda ka soo siistaan halkii la nooga keenayey, Magaalada koobka ayay Hal dollar ka siiyaan, iyaga oo Dadka ku yidhaahda waa Geel aan soo maalley oo Ramad ah.” Ayay sheegtay, waxayna intaa sii raacisay oo ay Dawladda hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Xannaada Xoolaha ka codsadeen inay wax ka qabtaan Raggaa ay sheegeen inay Dacaayadaha ka fidinayaan tayada Caanaha lagu iibiyo Suuqa Gobanimo, “Farriintan waxaanu u direynaa Dawladda hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.”

 

Guddoomiye ku-xigeenka Iskaashatada Barwaaqo, waxa kale oo ay sheegtay inay u baahan yihiin in laga beddelo Weelka Caanaha loo adeegsado, loona hadheeyo Suuqa, “Diyaar baanu u nahay inay Dawladdu naga beddesho Weelka oo Caanaha lagu soo shubo Weelka Jaandiga ah oo la noo keenno.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku sii dartay, “Hangaradii waa lanoo dhisay, laakiin, waxaanu sugeynaa in Weelka la naga beddelo, Hadh-baanu u baahan nahaye la noo hadheeyo Suuqa Caanaha.”

 

Cosob oo ka mid ah Iskaashatada Caanaha ee Barwaaqo oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in Abaaraha Dalka ka jiraa saameeyeen Suuqa Caanaha ee Gobanimo oo ay Siyaabo kala gedisan ay uga shaqeysan jireen ilaa 513 Qof, sidaa daraadeedna u baahan yihiin in Xukuumadda iyo Hay’aduhu Gacan u fidiyaan Caanaleyda, maaddaama oo wakhtigan ba ay kaceen Haween Caanaha ka shaqeysan jiray.

Comments are closed