Hargaysa 19.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha jsl md axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo weli ku gudojira socadaalkoodii gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalooyinka ballidhiig iyo coodanle iyo Qorilugud oo ka kala tirsan gobolada togdheer iyo buuhoodle.
Sida uu ku Soo Waramayo Weriyaha Shabakada Qurbejoog.com ee Weftiga Madaxweynaha la socda Waxaa Madaxweynuhu Intii uu joogay magaalada ballidhiig uu dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo dhowaan laga fulin doono degmadaasi kuwaas oo ay ka mid yihiin
Xafiis ay yeelan doonto wasaaradda xanaanada xoolaha gaar ahaan hawlwadeenada qaabilsan talaalka xoolaha nool, rug booliiis oo cusub, xafiis ay adeegsan doonaan laanta socdaalka iyo kastam xuduuda la dhigayo, iyo riig ceel biyood oo halkaa laga qodi doono
Munaasabad balaadhan oo ay waxgaradka iyo cuqaasha degmada ballidhiig kula kulmeen weftiga madaxweynaha waxaa hadalo ka soo jeediyey waxgaradka iyo odayaasha deegaankaassi, badhasaabka gobolka togdheer, wasiirka arimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah weftiga madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxay Lugta Socdaalkooda ku sii mareen deegaanka Coodanle halkaas oo ay Warbixin kaga dhagaysteen Duqayda iyo Waxgaradka deegaankaas oo Sheegay inay ka aradan yihiin Mashaariicda Horumarka iyagoo Xusay in Deegaankaas oo koobsada dhul balaadhan aanu lahayn xarun caafimaad isla markaana ay amuurtani sabab u tahay dhimashada hooyada iyo dhalaanka Waxaa kale oo ay Tilmaameen in Deegaanka Coodanle oo ku yaal Xadka ay wadaagaan labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya in aanu lahayn Goob ay Somaliland ku Cashuurto badeecadaha isaga kala gooshaya labada dhinac iyagoo hoosta ka xariiqay in Dawlada Itoobiya ay Xarun Kastam ah ku leedahay Coodanle Waxaa kale oo ay u qadimeen Weftiga Madaxweynaha Sidii Xarun Bilays loogu samayn lahaa Deegaankaasi.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si kooban ugu sheegay duqayda deegaanka Coodanle in ay wax ka qaban doonaan Xukuumad ahaan Baahiyaha ay tirsanayaan waxaanu intaas ku daray in Ujeedka Socdaalkiisu uu Salka ku hayo sidii uu ugu dhawaan lahaa Dareenka dhabta ah ee ay ku nool yihiin bulshada uu mas’uulka ka yahay.
Madaxweynuhu waxa uu Dhagax dhigay saldhig boolis xarun waxbarasho iyo qaybo lagu kordhinayo dugsiga H/Dhexe ee coodale.
Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay markaas kadib u sii gudbeen Degmada Qori lugud waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirkiisa Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo sheegay inay farxad u tahay inuu Deegaankiisa ku soo dhaweeyo markii 1aad Madaxweyne Axmed Siilaanyo Waxa uu Wasiirku Carabka ku xejiyay in Deegaanka Qorilugud iyo Buuhoodle ay ka taagnayd Colaad u baahan Wax ka qabasho deg deg ah si nabad waarta looga dhex dhaliyo bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan Gobolkaas.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
Source Qurbejoog.com
