|

Warbixin Cusub Baasaboorka ugu awoodda badan iyo kan ugu taag daran caalamka oo la soo saaray

Washington, 29 February, 2016-(SDN/QJ) :– Meelo badan, nasiibkaaga waxaa uu ku lammaan yahay Baasaboorka aad haysatid, haddii baasaboor la yaqaan aad leedahay, sumcaddadana waa fiican tahay,Sidaa Waxaa lagu Bilaabay Qoraal lagu faafiyey  Wargayska afka dheer ee Washington Post.

 

passaborDhawaan warbixin ay soo saareen Henley & Partners, oo ah Shirkad latalinta qaabilsan oo ka furan London, kuna takhasustay arimaha socdaalka, ayaa ogaatay in baasaboorka Germany uu ugu sareeyo baasaboorada caalamka uguna awoodda badan, waxaana lagu qiimeeyay inta dal ee vise la’aan lagu gali karaayo. Saddex sano oo isku xiga oo sanadkan ku jiro ayayna kaalintaasi haysataa.

 

Bal garo, waa baasaboorkee ugu awoodda yar caalamka? Waa Afghanistan.

 

Henly and Partners waxay qiimayntan samaynaysay  muddo 11 sano ah, dalka Afghanistan-na 7 jeer ayuu kaalinta ugu hoosaysa galay.

 

Dalalka waligood Afghanistan ka hoos maray waa South Sudan iyo Falastiin, waana dalalka ugu da’yar ama aan xorta ahayn.

 

Sababta keentay waa in dadka reer Afganistan oo dhan ay qaateen baasaboorkooda ujeedkuna waa inay ku tahriibaan dadka badankood, taasoo ka dhigtay mid dalal badan diidaan aqoonsigiisa.

 

Xataa waxaa la ogaaday in baasaboorka Afghanistan uu ka xoog badan yahay kan Waqooyiga Kuuriya, asagoo 9 kaalin ka horeeya . Maxaa yeelay dalka Waqooyiga Kuuriya dhowr dal Ayaan vise waydiinba, waxaana kamid ah Singapore, Malaysia, iyo Kyrgystan.

Comments are closed