Uncategorized

Warbixin laga diyaariyay Dhibaatooyinka Haweenka Soomaaliyeed kala kulmaan adeegyada Caafimaad ee Minnesota

Minnesota Jan 28,2013(SDN)-Warbixin dhawaan la daabacay ayaa lagu qeexay dhibaatooyinka ay Haweenka Soomaaliyeed ee uurka lihi kala kulmaan adeegyada Caafimaad ee Minnesota.

Caqabadahan ayaa salka ku haya farqiqa ama kala duwanaashaha dhaqan ee Dhakhaatiirta reer Galbeedka iyo Haweenka Soomaaliyeed.

Urur la yidhaahdo Isuroon oo xuquuqaha u ololeeya xaruntiisuna ay tahay Minnesota ayaa Daraasadan sameynteeda kafaalo qaaday.

“Waxaanu dooneynay in aanu hoosta ka xariiqno caqabadaha Haweenka Soomaaliyeed ay kala kulmaan Adeegyada Caafimaad ee reer Galbeedka”sidaa waxa tiri Fartuun Weli oo Agaasime ka ah Isuroon.

“Kolka Daraasadan oo kale la soo bandhigo waxa meesha ka baxeysa sheegashada Dhakhaatiirta ee salka ku heysa in aaney dhibaatooyinkan ka warheyn”ayay Fartuun markale ku celisay.

Aragtida Soomaalida ee ku wejahan Guurka,Umulinta iyo Qoyskaba waxa ay salka ku hayaan Diinta Islamka,balse Soobandhigeyaasha adeegyada Caafimaad ee Minnesota ayaan Soomaalida Mareykanka ah ee 70,000 ka badan aan weli u soo bandhigin adeegyo la jaanqaada Diintooda iyo Dhaqakooda.

Mid ka mida qodobada Daraasada lagu soo bandhigay ayaa ah in Haweenku doorbidaan in Dhakhtarkoodu noqdo ruux Dumara.

Nancy Dayo oo la shaqeysa Women’s Refugee Commission oo daraasada sameysay ayaa isu keentay 25 Haween ah iyo 12 Rag ah oo afkaartooda ka dhiibtay caqabadaha Caafimaad ee jira.

Daraasadu waxa ay tibaaxday in Dhakhaatiirtu ay ku degdegaan qaliinka oo aaney fursad siin in Haweenku si dabiici ah u umulaan.

Soomaalida ayaa qaba in qaliimadu ay xadidayaan tirada ubadka ee hooyada Soomaaliyeed ay dhali karto.

Sidoo kale tuhun ayaa jira sababta Dhakhaatiirtu ay qaliimada u door bidayaan in ay tahay in ay lacago dheeri ah oo ay ku helaan.

Daraasada ayaa muujisay in Haweenka uurka lihi ay wakhti dheeri ah ka heli jireen dhakhaatiirtii Soomaaliya si Hooyadu ay u umusho,taas oo aan Mareykan laga heleyn.

Haweenka daraasada ka qeyb qaatay ayaa sheegay in aaney helin taakulooyinkii ay uga baahnaayeen kalkaaliyeyaasha caafimaad xili ay umulayeen.

Mid ka mida haweenka daraasadu soo xigatay ayaa sheegtay in mid ka mida ubadkeeda ay mandheertu qoorta uga duubantay isla markaana arrintaa aan wax laga qaban si loo furdaamiyo,ilahaas ayay hooyadu sheegtay in haatan uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo wax laga qaban karayay xiligii ay siday.

Hooyadu waxa ay intaa ku biirisay in aaney wax dacwada ku soo oogin goobtii caafimaad ama dhakhtarkii ka umuliyay,sababta oo ah waxa ay ku kalsoon tahay in eebe SWT uu xaaladooda kafaalo qaadayo.

Haweenka qaar ayaa sidoo kale sheegay in Dhakhaatiirtu aaney macluumaadka la wadaagin hooyooyinka uurka leh,taas oo runtii muhiim u ah nolosha hooyada iyo dhalaankaba.

Warbixinta ayaa soo jeedisay in haweenka Soomaaliyed lala wadaago xogaha caafimaad ee Qaliinka ama C-Sectionka si meesha looga saaro shakiga.

Iyo in xogaha lala wadaagayo Haweenka Soomaalida ay noqdaan qaar lagu soo bandhigo afka Soomaaliga.

Sidoo kale daraasadu waxa ay soo jeedisay oo kale in goobaha caafimaad ee reer Galbeedku bartaan habka Haweenka Soomaalidu ku kalsoon yihiin ee looga umuliyo hadii wax dhibaato caafimaada aaney ku jirin.

Soo jeedimahan ayaa keeni kara isu soo dhaweeyn Goobaha caafimaad iyo Soomaalida macaamiishooda ah.

SDN-Minnesota

contact@somalidiasporanews.com