|

Warbixin soo Bandhigaysa Sida la Yaabka leh ee Gudoomiye Cirro iyo Weftigiisa loogu soo Dhaweeyay Magaaladda Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 16. August 2017 (SDN/QJ):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codaynta doorashada ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaag, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxamaan Cirro oo ka dib soo dhaweyntaas la hadlay dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn ugu mahad-celinayo guud ahaan taageerayaasha baaxadda weyn ee sida aadka ah u soo dhaweeyey, waxaana uu cod dheer ku sheegay in uu qirsan yahay in reer Ceerigaabo ay guud ahaan ba taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.

Comments are closed