|

Sheekh Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqay inuu ka Baxay Al-Shabaab,Dulucda wada Hadlo u socda isaga Iyo Dawlada Federaalka Somalia & Hay’ada Xuquuqul iinsaanka oo Xaaraan ku tilmaantay in Cafis Loo Fidiyo DAAWO

Muqdisho 16. August 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-Shabab Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga baxay ururka Al-Shabab.

Roobow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxa uu sheegay inuu Al-Shabab uu hore uga baxay shan sano iyo toddoba bilood ka hor.

Waxa uu sheegay inuu xilligaas ku jiray kaynta, halkaasi oo uu sheegay inay Al-Shabab kusoo weerareen toddobaakdii hore. Roobow waxa uu sheegay in ujeeddada weerarka ay ahayd in lagu dilo.

Roobow waxa uu uu mahad celiyey dawladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeedaa caalamka.

Mukhtaar Roobow ayaa caddeeyey inuu wadahadallo la billaabay dawladda Soomaaliya, isla markaana uu ka rajo qabo inay miro dhalaan, oo ay ka gaaraan nabad waarta oo ka dhacda Soomaaliya.

Roobow ayaa Axaddii isku soo dhiibay mas’uuliyiinta dawladda kadib makrii uu sannado ku jiray kaymaha.

Dhinaca kalena hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in sharciga caalamiga ah uu mamnuucayo in cafis loo fidiyo dadka galay xadgudubyada culus, sida ay ku sheegtay qoraal kasoo baxay hay’adda.

Human Rights Watch waxay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu door hoggaamineed ku lahaa Al-Shabaab xilli ay ururkaasi gaysteen weerarro aan loo meel dayin oo loo gaystay rayidka, iyo carruur xoog lagu qoray askarta iyo xadgudubyo kale.

Waxay ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay baadho doorkii Roobow si ayey tidhi kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada aysan uga baxsanin in la ciqaabo.

Comments are closed