|

Wargayska Afka dheer ee WashingtonPost oo Warbixin Xiiso badan ka Qoray Doorashadda Madaxtooyo ee Beri Somaliland ka Dhici Doonta!!

Hargaysa 12 November  2017 (SDN/QJ):-Doorashada Madaxtinimada Somaliland ee dalka  ka qabsoomaysa  13-ka November  2017 ayaa soo jiidatay warbaahinta caalamka.

Wargeyska Washington Post oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer ayaa lagu daabacay maqaal ay qoreen  Scott Pegg iyo Michael Walls oo ka mid ah goob-joogeyaasha kormeeri doona doorashada Somaliland. Maqaalkan oo hal ku dhig looga dhigay “Doorashada Somaliland iyo waxa laga filayo” waxa lagaga waramay Sooyaalka taariikhda Somaliland, nabada iyo doorashooyinkii hore u soo qabsoomay, maqaalkaas oo Wargeyska Dawan soo turjumay wuxuu u qornaa sidan:-

“Ololihii doorashooyinka ee xisbiyada oo bilowday October ayaa la soo gabogabeeyay, waxa ku xigay doodii murrashaxiinta oo warbaahinta laga baahiyey laba jeer. Hadda waxa la sugayaa Isniinta 13 November oo doorashadii loo dareerayo. Sida ay ka sheekeeyeen Scott Pegg iyo Michael Walls Somaliland waxay soo martay doorashooyin tallada layskugu wareejiyey si nabad ah, waxaana ay tusaale u soo qaateen xilligii uu geeriyooday madaxweynihii Maxamed Ibrahim Cigal (1993-2002) oo xilka loo dhaariyey Daahir Rayaale Kaahin,  kaas oo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada 2003, Rayaale waxa uu xilka hayey 2002-2010. Laakiin doorasho la qabtay 26 June 2010, ayuu Rayaale ogolaaday in laga guulaystay.

 

Waxa beddelay Axmed Siilaanyo oo xilka haatan haya, kaas oo ka tanaasulay inuu dib u tartamo.

 

Somaliland oo xorriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska waxay ka baxday midowgii ay Somalia la gashay sannadkii 1960, ka dibna sannadkii 1991 ayey ku dhawaaqday in ay gooni isu taagtay, tan iyo wakhtigaas ma jirin cid aqoonsatay, laakiin waxay noqotay xaqiiqo tusaale loo soo qaato marka laga hadlayo geeska Africa. Bedka dhuleed ee Somaliland waa  68,000 square miles, dadkeedana waa 4 million, nidaamka dhaqanka iyo dimuquraadiyada ayey ku caano maashay waxaanay kaga badbaaday waxa ku dhacay Somalia wixii ka hadhay oo amaan daro iyo dawlad la’aani ka jirto.

 

Doorashada madaxtooyada ee xilligan dhacaysa waxay hore ugu qorshaysnayd in la qabto sanadkii 2015, waxaana la rajaynayey in doorashada madaxtooyada iyo tan Barlamaanku mar wada dhacaan, laakiin abaaro iyo arrimo kale ayaa keenay dib u dhaca iyo in la kala qaado labada doorasho. Haatan doorashadii Barlamaanka waxa dib loo riixay sanadka 2019 oo ay mar la dhici doonto doorashada goleyaasha deegaanka.

 

Doorashada wakhtigan waxa la isticmaalayaa nidaamka loo yaqaano Iris-recognition Software, kaas oo ah in la sawiro indhaha gudohooda, waxaana loo arkaa mid lagaga badbaadi karo waxyaabihii lagaga cabanayey doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland soo maray sanadihii 2003 iyo 2010. Murrashixiinta tartamayaa waxay kala yihiin Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga KULMIYE ah, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro oo WADDANI ah, iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID ah. Kulmiye iyo UCID waxay ka soo qayb qaateen doorashooyinkii 2003 iyo 2010, laakiin xisbiga Waddani waa markii ugu horaysay, waxaana uu ku soo baxay tartankii doorashooyinka Dawladaha hoose ee 2012.

 

Saddexdan murashaxba doodii laga qaaday waxay ku sheegeen in ay kor u qaadi doonaan waxbarashada, la dagaalami doonaan shaqo la’aanta, isla markaana hore u riixi doonaan in la aqoonsado Somaliland. Muuse Biixi waxa uu gaar u sheegay inuu kor dhin doono doorka haweenka ee siyaasada, isla markaana uu bilaabi doono in ardayda dugsiyada ka baxda iyo kuwa Jaamacaduba geli doonaan wixii loo yiqiin shaqada Qaranka ee tabaruca ahayd. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu isagu sheegay in aanu   ogolaan doonin in doorashadu dib u dhacdo, wuxuu kale oo sheegay in uu xoojin doono Baanka dhexe si loola dagaalamo sicir barrarka. Faysal Cali Waraabe waxa uu isaguna sheegay inuu dib u eegis ku samayn doono hay’adaha dawlada isla markaana uu caafimaadka iyo daryeelka boqolkiiba 15% kaga kordhin doono miisaaniyada dawlada.

 

Doorashada ka dib saadaashu aad ayey u wanaagsan tahay, laakiin madaxweynaha ku guulaystaa tartanka waxa uu la wareegi doonaa dhaqaale kooban oo ku tiirsan wax dadka dibadda kaga maqan Somaliland soo diraan iyo xoolaha Nool. Somaliland oo dhaqaale ahaan koraysa dhinacyo badan ayey dhaqaale ugu baahan tahay, waxa ka mid ah guddiga doorashooyinka. Somaliland miisaaniyadeeda oo kooban waxay ku baxdaa Nabad geliyada, taas oo fursad yar siinaysa dhinacii waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha iyo horumarinka.

 

Sida ay qabaan Scott Pegg iyo Michael Walls Somaliland waxay ka badbaaday xaallado nabadgelyo iyo dhaqaale oo soo maray. Laba jeer waxa laga joojiyey xoolihii ay wadamada Khaliijka u dhoofin jirtay, sidoo kale sanadkii 2002 waxa  si lama filan ah u geeryooday Madaxweyne Cigaal, laakiin waxay ka badbaadeen in muran siyaasadeed iyo is qabsi dhaco. Haddii arrimuhu u dhacaan sida loo qorsheeyey madaxweynaha ku guulaystay doorashadan waxa uu xilka la wareegi doonaa 13 December, waxaana loogu cumaamadi doonaa inuu sii waddo mas’uuliyada Somaliland oo ay ugu horayso nabadgelyada.”

Leave a Reply