Uncategorized

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Mar kale diiday dalab Mudaharaad uu Codsaday Xisbiga Waddani

Hargaysa 12.May 2015 (SDN/QJ)-Xisbiga Waddani oo mar kale dalbaday mudaharaad salmi ah iyo wasaaradda arimaha gudaha Somaliland oo laashay dalabkaasi ka yimid xisbiga Waddani.

Qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI isla markaanna ka soo baxay xafiiska Waddani ayaa lagu sheegay in wasaaradda arimaha gudaha Somaliland laga codsanayo inuu mudaharaad salmi ah dhigi doono xisbiga WADDANI,kaasi oo lagag soo horjeedo ayuu yidhi muddo kordhintii xukuumada Axmed Siilaanyo iyo golaha baarlamaanka Somaliland loo sameeyay maalintii shalay.

Habada dalabkaasi ka yimid xisbiga waddani ee lagu dalbanayo mudaharaadka ayaa waxa diiday wasaaradda arimaha gudaha Somaliland oo sheegtay inanay suurto gal noqonayn inuu dalka wakhtigan ka dhaco mudaharaad waxyeelo u keeni kara nabada Somalialnd.

Halkan ka akhri nuqul ka mid ah diidmada wasiirka arimaha gudaha oo shabakada Qurbejoog.com soo gaadhay.
warqada-mmm