Hargaysa 16.April (SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog oo ay Weheliyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradaasi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ka furay magaalada Gebilay Barnaamij Caafimaad oo dalka ku Cusub,isla markaana wax weyn ka taraya baahida Caafimaad ee Bulshada.
Barnaamijkan oo ah Daadejinta adeegyada Caafimaadka Bulshada ee ilaa Heer Qoys waxaa hagi doonta Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka oo u tababaran kaas oo loogu magac daray “Marwo Caafimaad”.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Axmed Nuur oo Madashaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay hay’adaha Wasaarada Caafimaadka ka Gacan Siiyay hirgalinta Barnaamijkan, Kuwaas oo ay ka mid yihiin Sida uu Sheegay WHO iyo UNICEF.
Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi,Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse iyo Madaxda Dhaqanka oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan isla markaan ku bogaadiyay Wasaarada Caafimaadka dadaalkeeda ku wajahan horumarinta iyo Casriyaynta Caafimaadka .
Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ay Wada shaqayntu ka dhaxayso Wasaarada Caafimaadka ayaa iyana balanqaaday inay taageero dhinac walba leh la garab joogaan Wasaarada Caafimaadka.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradaasi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa dhankeeda ka sheegtay in barnaamijkani yahay Mid hawl wadeenada Caafimaadku ay si toos ah ula soconayaan xaaladaha caafimaad ee Qoys kasta iyadoo Xustay inuu leeyahay isku Xidh iyo awood gaadiid oo wax lagaga qabanayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog oo gaba gabadii Munaasibadaasi hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in barnaamijkan lagu tijaabinayo Gobolada Gebilay iyo Maroodi jeex isagoo intaas ku daray in hadii uu Guulaysto lagu fidin doono gobolada kale ee dalka .
Wasiirku waxa uu kula dardaarmay hawl wadeenad Caafimaadku inay si haboon u gutaan hirgalinta barnaamijkan.
Waa markii u horaysay ee Barnaamij Noocan oo kale ah dalka laga hirgaliyo isagoo qayb ka ah Qorshaha Horumarinta Caafimaadka.
Hargaysa SDN,
qurbejoog.com
