|

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay in ay dalka ka saartay Hay’addo samafal oo dhanka caafimaadka ka sanqeynayay

Muqdisho May 31 2013 (SDN)– Wasaarada cafimaadka oo hostagta Wasiirka Hormarinta Adeega Bulshada ayaa maanta beenisay in dalka Soomaaliya ay ka raacdeeyeen Hay’addo samafal oo shisheeye ah.

Ku simaha waaxda Caafimaadka wasaarada adeega Baulshada ee Xukuumadda Soomaalia Dr. C/risaaq Yusuf Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyay waaxda Caafimaadka ee wasaarada taasi oo ku aadaneyd in waaxda Caafimaadka ay ceyrisay hay’ado samafal oo ka howlgalayay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr. C/risaaq Yusuf Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan hay’ado iskood ugu dhawaaqay in ay joojiyeen howshii ay ka hayeen Isbaitaalka Banaadir, isagoona tilmaamay in ay ka xun yihiin arintaasi shaqo joojinta ah dhankoodana aysan wax lug ah ku laheyn shaqo joojintaasi ay ku dhaqaaqeen hay’adahaasi samafalka.

Waaxda Caafimaadka wasaarada adeega Bulshada ee Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaan loo jeediyay eedeyn aheyd in ay ceyrisay waaxda qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed