Uncategorized

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo abaal marin u siisay ,shirkada Telesom astaantii (logo) Somtel , iyo TV ga madaxbanaan ee Universal oo shirkadaas awgeed loo weedhinaayo,

(SDNKAMPALA)Waxaa cado iyo dhaqaan xun inoo noqotay in wadankeeni laga waayo qof reer Somaliland ah oo ka hadli kara si waddaniyad leh dhibaatada guud ee saamaynta ku dhex yeelan karta bulshada dhexdeeda kana hor imaan karta horumarka guud ee inaga wada dhexeya, hadaanu ahayn mid ka dhex arkaaya danaha beesha uu ka soo jeedo ama ta isaga u khaaska ah mooyane,
Lakin anigu hadaan ahay qoraaga qormadan hadaan layskala masuugayn waxaan ahay shakhsi ka dheer kana horumaray caadana ay u tahay inuu ka hadlo xanuunada bulshada ragaadiyey ee ay ka mid tahay,
    Qabyaalada
    Musuqmaasuqa
    Eexda
    Dibu socodnimada
    Iyo qarandumiskaba
Waxaanan ahay shakhsi ku caana inu tilmaamo waxii qaldan tageerana waxii saxa walaalkiina la jecel waxii u naftiisa la jeclaado,
Markaas waxaan dardaraan siinayaa qofkastoo jecel inuu dhaliilo maqaalkayga way furantahay  oo dhaliisha cafimadka qabta waxaa laga dhaxlaa wax kala korodhsi ,waxaanan ahay shakhsi u banbaxay inuu qanciyo qofkastoo qormadayda cadaaynteeda jecel inuu helo ka hor dhaliisha,
Hadaan warkaba hufo oo aan iska meel dhigo warka dabayluhu sidaan oo aan ku tabsiiyo waxaa wadanka ka jira cilmi baadhis qoto dheer dabdeed iyo hadaad u baahataba sawiro ku xaqiijiya wax kastoo jira ayaan kuu bayaamin maandhe,
Waxaay is daba qufacdaba ama ay is taba luudaba waatii ciyaari heer gobol ee Somaliland soo gunaanadmeen si guula waxii jiraba ha jiraane dadka wanaag jecel ilaahay waxaay ka baryayeen in ilaahay hargaheedi kaga celiyo maadama ciyaari goboladu u muuqdeen qaar ku salaysan heer qabyaaladaysan ,waayo qorshahiii laga lahaa in ciyaara goboladu qabsooman iyo sawirkii aynu ka dheehanay mudadii ay socdeen muu noqon mid bulshada badankeeda ra                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                            ali galiyay, markii ay soo gabagaboobeen ciyaari ayaa wasaaradii u xil saarnayd tartanka ciyaara goboladu waxaay bixisay amal marintii heer kala ahaa,
1.    Ciyaartoy
2.    Maamulkii xidhiidhka ciyaara kala duwan
3.    iyo shakhsiyaad kale oo lagu maamusay sidii arinta loo dhigay inay ka soo qayb galan ciyaara.
4.    TV gaarka loo lahaa iyo kuwii qarankaba ee ay wada shaqaynta lahayeen shirkadii la soo shaac saarayey (Somtel)
5.    Iyo shirkada waddaniga ee somtel oo iyadu ahayd ta ka turjumaysay wax walba, bixinaysayna abaal marintii heer qaran ee wasaaradu umada u qaabilsanayd.

Bal yar xasuuso dhaqankii UDUB iyo kan hada(isna barbar dhig)

Bilawgii xukumada u hogamiyaha ka yahay Axmed Siilaanyo markii talada lagu wareejiyey ayaa xukumadaasi waxay xafiskii ugu timi distoor heer qarana ,iyo shaqo heer qarana oo waxkhtigaas maraysay meel u bahnayd in hore looga sii socdo, laakiin nasiib daro xukumada cusub ee la doortay ayaa marlayba waxa u qarsoona axdi hoosad lagu soo dhariyey inay hoosta ku sidato oo ahaa kii beesha u duqu ka soo jeedo lagu gudoonsiyey ee ka dhacay gar adag ,kasoo loo yaqaan (Gar adag charter) kasoo ujeedada laga lahaa ay ahayd inuu noqdo mid ka awood bata ka qaranka u yaala ee 99% ay u codaysay ( national constitution)

Tusaale

Sidan hore u xusay markii xukumada siilaanyo dhalaytay bil ka dib waa tii la asaasay shirkda wadaniga ah ee somtel ,(haba la asaaso oo wakhtiga isku beegmay dhib makeenine) ,isla bil ka dib waatii xukuumadu amar ku bixisay in la mideeyo shirkadaha isgaadhsiinta taasina waa marag kale oo cad, waxa kaloo arintaas la mid ahaa xayaysiisyadii heer qaran ,iyo ciyaari gobolada iyo soo tabintoodii oo ay isku milmeen xukumadii iyo shirkadaasi oo aad moodo inay shirkada lafteedii isu badashayba wax qaranku leeyahay,

Tusaale gaaban oo ku eeg xafiisayda Somaliland

1.    Ka hor asaaskii labada isku lamaan waxaa xafiisyada dawlada ku jiray oo aad ka arki jirtay dhamaan adeegyada ay bixiso shirkad telesom 100%, wakhtigaas oo ku sina mudadii ay wadanka hogaaminaysay xukumadii UDUB, ka dib intaas wa’aa kale ayaa baryey oo waayihiisa iyo go’aan hoosadkiisa watay,  waxaa isla markiiba bilaabmay in kambaniga cusub ee la asaasay si talaabo talaabo ah oo dhakhsa badan ula wareegay dhamaan adeegii shirkadaas (telesom co) bixinaysay  gaar ahaan ku aadana adeegyadii  xukumadu u baahanayd ee dhinaca is gaadhsiinta,
Waxa kaloo xasuusin mudan in aan yara xuso, nin aanu saxiibnay oo ka mid ahaa shaqalaha madaxtooyadu ii sheegay maalin malmaha ka mida in isla wakhtigaas an sheegay in laysugu wada yeedhay, qudbad balaadhan oo hal dhinac taabanaysana loo jeediyey taaso ku sabsanayd in hada waxii ka danbeeya xukumadu ay isticmaali doonto (somtel simcard).
Xita isla goobtii waxaa loogu qaybiyey mobiles cusub oo ay shirkadaas lahayd iyo (sime cards) kii oo isku qoofalan

2.    Waxaa kaloo jiray arin dhacday oo qalad wayn ahayd in aay waxaasoo kale suura galan ,waxaa si indha la’aan oo is maqiiqa xukumadu ugu talabsatay iyadoo (marketing) suuqayn u samaynaysa shirkad shakhsi muwadin reer Somaliland ahi gaar u leeyahay, taasoo suuqayntaasina ay ka dhacday ciidamada qaranku leeyahay ee kala duwan xeeryaha ay degan yihiin dhexdooda, cidamdaas oo koox walba taliye hoosaadadooda loogu dhibay mobiladaas ka dib askari walba laga saxeexayey mushaharka yar ee u qaato in cala bil wax looga goosto, lacagtaasna waxa loo xilsaaray sarakiishii cidamada qaar ka mid ah inay u ururiyaan shirkadaas ,taasina waxay wax wayn u dhintay hab maamuuskii dawladnimo ee jiray, in loo isticmaalo inay ka shaqeeyan hanti shakhsi gaar u leeyahay, iyo in shicibku iska dhexgali karaan xeryaha ciidamada taas oo loo yaqaan goobaha ka caagan shicibka,

3.    Warshada sibidhka oo ay xukuumadii daahir riyaale kaahin u qaybisay ganacsato ka soo kala jeeda shacabka Somaliland una dhigtay shaxda si lagu wada qancay oo umada shacabka ka farxisay ,isla maalmo ka dib intii anay dhamaan isku duba ridkii hawshu ,ayaa taladii waxaa ku gulaystay xusbiga talada maanta gacanta ku haya ee kulmiye, waatii qorshe kale oo wax u hooseeyan ay xukumadu soo dajisay in warshada sibidhka ay wadagaan labada kambani ee kala ah ,dahabshiil iyo telesom ,laakiin nasiib wanaag shirkada telesom waa tii iska garatay arin aan odhan karo inay ahayd ,laaca aragtaye laaga ma ogtahay,kana dheeratay dulmigii iyo hanti boobnimadii qaranka,

4.    (Coca Cola Company) kambaniga waayn ee international ka ah ee laga asaasay wadankeena qaybtiisi somaliland taas oo an odhan karo waxaay ina gaadhsiisay shirkadaas waddaniga ah ee SBI meeqam ay madaxda somaliland awood u wayeen inay keenan arin heerkas oo kale caalami u ah, taariikhdu markay ahayd (23/6/2013) waa tii maalin maalmaha ka mida wasaarada maaliyada somaliland wakhtigii uu wasiirka ka ahaa mujaahid eng Maxamed Xashi Elimi uu is barbar taagay kambanigaas si wasaaradu u dhiiri galiso in wadanka muwaadin iyo shiisheeyaba la maal gashado hantida  intaa leeg mid la mida iyo tu ka badanba loogu dhirado ,waatii muwadiinka reer Somaliland ee madax sare ka ah kamabanigaasi aqoonyahan Axmed Cismaan Geele malgaliyey lacag malayiin doolara oo aan hore u dhicin in cid sidaas oo kale ahi waddanka lacag inta leeg gashato marka laga reebo ganacsto bagaash yaryar kala soo cararta wadamada carabta ee aynu dariska nahay.

Hadaba maxaa yimid markii wasaarada maaliyadu damacday inay hirgaliso siyaasadeedi ahay horumarka xaga kobaca dhaqaale ee wadanka, hagu sii waynaato maalgashiga muwadinka dalkiisa si maalgashatada shisheeye (foreign investers) ay ugu noqoto dhiiri galin iyo tusaale, waayo markasto shirkado ajaanib ahi ay damcaan inay wadan shiisheeye ay maalgashadan waxaa ka mida muqiyaaskooda  inay (assessment) qiimayn ku sameeyan (private sectors) ka wadanka ka jira inta maalgashiga ku jira uu yahay.
Isku soo wada xooriyo markii uu kanbaniga wayn ee SBI uu inoo sahlay arimahaas si guud iyo si gaaraba faa’iidad inoo leh ,waxaay wasaarada maaliyadu go’aan ku gaadhay isla wakhtigaas inay cashuur dhaaf u samayso, cashuurtana ku kordhiso sharabka kaga imanaya wadamada dariska ee si guud iyo si gaaraba iyagu uga faa’idaysanay, laakiin arintii ay wasaaradu sidaas u qiiimaysay waxaay meel kaga dhacday ama ay taabatay go’aan hoostadkii odayga ka dib gooran habeena ahayn maalina ahyn waatu si xushmad iyo xishood anu ku jirin amar adag ugu riday wasiirkii inaanu sharabka wadanka dibada kaga imanaaya anu cashuurta ku kordhin Karin, taaso ganacsato ay isku beel yihiin ay hore aad uga gacasan jirtay sharabkaas wadanka dibada aadka uga soo gala ,
Hadaba markaay waxaasoo dhami jiraan waxaan shacabka ka sugaya jawaab ku aadan su’aashan,
Markay wasaaradii maaliyadu sidas wax u maamushay marka madaxweynihii la soo doortay wax soo saarkii wadanka ka horumariyey wax soo saarkii wadamada dariska isagoo ka dhex daawanaya in beesha uu ka soo jeedo dhaqaale badan ka galay kursiga uu ku fadhiyo maxaa la gudboon shacabka lagu hayo hardaamooyinka noocaas oo kale ah????????????????

Shirkadii Telesom oo abaal marin loo siiyey astaantii Somtel
Waxaa biyo kama dhibcaana oo cad in wasaaradii ciyaara iyo dhalinyaradu majara habaabisay masuuliyadii heer qaran ee ay u qabilsanady wadanka ka dib markii abaal marintii ay bixisay ay noqdeen qaar ku salaysan nimaad qaldaan oo ay wajiib ahayd in umada laga horumariyo ,

Waxaa dhacday in shiradkad waddaniya astaanteedii looga dhigay amal marin shirkad kale oo waddaniya oo ay siman yihiin ,halkii u waajib ku ahaa in labadoodaba amal marin looga dhigo astaanta qaranka, taasi waxaay kuu xaqiijinaysa in shirkadahaas mid ka mid ahi ay si toosa u isticmaalayso awoodii qaranka sidaan horeba ugu xusay maqaalkaygii hore ee ku taariikhaysana( june/2013),
Taas oo ay hore usii dheerayd inuu jiray qorshe cad oo ay xukumadu suuqayn balaadhan ugu samaysay shirkada
TV ga madaxbanaan ee Universal oo la weedhinaayo Telesom awgeed
Waxtigii ciyaaruhu ay ka socdeen hargaysa stadium markii ay noqotay in hantidii qaranka oo dhan in loo mijin xidho shirkad qudha, ayey shirkada waddaniga ah ee Telesom waxaay wada shaqayn la bilaawday TV yada caanka ah ee gaar loo leeyahay ee ay ka mid yihiin universal tv oo kale, kasoo ahaa ama aan ku xusi karo inuu ka mid yahay TVyadii isku xilqaamay kor u qaadid miidhiyada somalida (Somalia media) leedahay ahaana kii ugu horeyey ee loogu hor asaasay dhamaan TVyada afka somaliga ku hadla burburkii somaliya ka dib, sida runtiyana mudan in lagu tixgaliyo taariikhda uu umada u hayo dhamaan afka somaliga ku hadasha, beena ay tahay cida u nasbaysa tidhahdana waxaa laga leeyahay meel gara waayo tv kasto somaliyeed ee dhigiisa ahiba meelkasta iyo dacalada dunida oo dhan waxaay ku leeyihiin (studio).hadaynu usoo noqono halka laga raacay waxaay tahay siyaasada qaldan ee isku milan ee xukumadu ganacsatada qaarna ay hoosta soo gashatay qaarna ay ku hayso dagaalka ba’an ee an hore umadeena dhaqanka iyo cadaada u ahayn ,maalintii ciyaaruhu socdeen ee dhamaan shirkada telesom laga xaarantimeeyey inaanay isticmaali Karin adeega qaranka.
Waatii shirkada (telesom co) ,ay go’aanka ku gaadhay inay la shaqayso tv yada gaarka loo leeyahay ee uu igu mudan yahay universal tv loogama horeyn dagaalka lagu qaaday warbaahiyahaasi, ama waxaan odhan kara waxaay wax kasoo gadheen weerarkii cirka iyo dhulka ,iyo bada lahaa ee ku salaysna habarwacashada ee lagu hayey shirkada telesom ,markaas waxaan ku soo gunaanadayaa anigoo jecel dadka si fiican wax u arka inaany marnaba ka aamusin arimahaas oo kale ,hantida la wadaleeyahay ee heer qaran ama ha ahaato mid dawladeed ama ha ahaato shirkda waddaniga ah ee gaar loo leeyahay ee  faa’iida inoo leh halaga daayo faragalinta ku salaysan qabiil wax la jeclaysiga .

Qallinkii; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle