|

Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta Bulshada oo Hargeysa ku soo Bandhigtay Mashaariic ay dalka ka fulisay

Hargeysa Mar 26,2012(SDN)-Shir hawleed hal Maalin ah socday oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta Bulshada isla markaana lagaga hadlayay mashaariicda arrimaha ijtimaaciga ah ee Wasaarada Qoysku ka hirgalisay dalka ayaa furmay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxaa shir hawleedkan ka soo qayb galay Qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan iyo kuwa wadaniga ah.

Aadan Ismaaciil Xasan oo ka tirsan Wasaarada Qoyska oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in kulankan oo ay bishiiba mar soo qaban qaabiyaan ay uga gol leeyihiin Sidii hay’adaha caalamiga ah iyo ajaanibka dalka ku sugan ay wax uga ogaan lahaayeen dhaqanka,Nolosha iyo siyaasada wadanka isla markaana ay ugu soo ban dhigi lahaayeen mashaariicda ay wasaaradani hirgalisay waxaanu xusay in qaban qaabada kulan hawleedkan ay si wada jir ah isaga kaashadeen Wasaaradaha Qoyska,Arrimaha Dibada,iyo Qorshaynta Qaranka.

Aadan Ismaaciil Xasan waxa uu sheegay in ajaanibka wadanka inala joogaa ay waajib tahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen qaab nololeedka bulshada si aanay ugu dhicin in wax ka soo hor jeeda dhaqanka umada ay ku talaabsan maadama ay khatar ku tahay noloshooda waxaa kale oo uu intaas ku daray in kulankani uu noqonayo kii sadexaad ee ay wasaarad ahaan qabtaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed