|

Wasiir Ciise Keyd oo Stroke ku dhaftay iyo Xukuumada oo qarineysa halka lagu daweynayo

Boston April 15, 2023 (QJ) – Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Ciise Keyd ayaa noqday shakhsigii u danbeeyay ee u shaqeeya xukuumada muda xileedkeedii dhamaaday oo caafimaad xumo soo wejahday la qarinayo.

Xukuumada Somaliland ayaa hore u qarisay taliyeyaal ciidan iyo saraakiil sare oo ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood, haatana qarineysa caafimaad xumo soo wejahday Wasiirkan sida tooska ah uga mid ka ah dagaalka ka dhanka ah dadka reer Laascaano.

Wasiir Keyd oo looga bartay soo saarida hadalo aan xaqiiqahoodu sugneyn oo ka dhan ah Garaadada iyo dadka reer Sool ee kacdoonka ku diidan xukunka Muuse Biixi ayaa haatan ilo wareedyo noo xaqiijiyeen in uu ku dhuftay Stroke isla markaana lagu daweynayo magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay saameysay culeys baahsan oo ka soo wejahay Muuse Biixi  iyo kooxda HEEGO oo ku cadaadiyay faafinta hadalo xaqiiqada ka fog, halka Beesha caalamkuna ay dhankooda culeys uga saarayeen sidii ciidamada Muuse Biixi ugala bixi lahaa Gooja-cade.

Ciise Keyd ayaan xaaladiisa caafimaad sida caadada u noqotay xukuumada Muuse Biixi aan loo soo bandhigin saxaafada iyo halka lagu daweynayo.

Magaalada Boston ayaa waxa ku sugan jaaliyad faro badan oo ka soo jeeda degaanada SSC, waxaana naloo sheegay in ay bulshadaasi haatan isu abaabuleyso sidii ay Mareykanka ugu soo bandhigi lahaayeen aragtidooda ku wejahan joogitaankiisa, daweyntiisa iyo masuuliyada denbiyada dagaal ee ka dhacaya Laascaanood.

Ilo wareedyada qaar ayaa noo sheegay in maalmihii u danbeeyay ay qoyska wasiirku dareemeen dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah ee bulshadu wado ila markaana ay dhici karto in Hargeysa uu ku dhameysto dawooyinkiisa

Qoyska Wasiirka ayaa haatan ka walaacsan suurtogalnimada in denbiyada dagaal ee Laascaanood in badan oo ka mid ah dusha loo saaro Wasiir Ciise Keyd, bacdamaa uu isagu noqday ruuxa loo adeegsaday la xiriirida beesha caalamka iyo iibinta beenta iyo marin habaabinta xukuumada Muuse Biixi.

Sidoo kale qoyska Ciise Keyd ayaa sidoo kale ka walaacsan la tacaalida kharashaadka xaaladiisa caafimaad bacdamaa, Muuse haatan jaray mushaharadii gollaha wasiirada.

Waxa maamlhii u danbeeyay magaca wasiirka iyo wasaaradaba si ka baxsan diplomasiyada u isticmaalayay dhalinyaro HEEGO ah oo uga sii daray xaalada wasaaradu ku sugan tahay.

Waxaa dhawaan la arkayay in magaca wasaarada Ciise Keyd ku magaacaban yahay lagula yooyootamayay China oo haatan ah dalka dunida ugu dhaqaalaha iyo awooda badan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaldan guracan ee soo wejahday Wasiir Ciise Keyd ayaa noqoneysa mid saameyn doonta hawlgalada Laascaanood ee fashilka qarka u saaran.

 

Comments are closed