Uncategorized

Wasiir Cukuse Oo Jarmalka u Aaday Daaweynta Dhaawac Hore u Gaadhhay Oo Loo Caal-waayey

Frunkfort:Dec,05,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa Maalintii shalay gaadhay Dalka Jarmalka, si looga qabto dhibaato caafimaad oo kusoo korodhay maalmahan.

ciijWasiir Cukuse ayaa si weyn uga cabanaya Gacantiisa Midi goo horraantii sanadka  dhibaato ka gaadhay, kadib shil gaadho oo uu ku galay Deegaanka Sheekh ee Gobolka Saaxil, waxana uu muddo dheer la tacaalayey dhibaatada soo wajahday oo xalkeedu dheeraaday.

Eelkii ka dhashay dhaawacaas ayaa la sheegayaa inuu meesha ka bixi waayey, waxana uu wasiirku dhawr jeer isku dayey inuu suuliyo dhibaatada, balse waxaas oo dhami waxay noqdeen Hal Bacaad lagu lisay oo wax kasoo baxay ma jiraan ilaa iyo haatan.

Wasiirka ayaa  sida aanu wararka ku Hayno Talooyin badan kadib go’aansaday inuu waddanka Germany oo arrimaha caafimaadka loogaga dambeeyo Kula quusto dhaawaciisa, waxan haatan uu doonayaa inuu halkaas kaga Gun gaadho dhibaatada ka Haysata  gacantiisa midig.

Gacanta ayaa markii hore la sheegay inay Jabniin tahay, balse  xanuunkii ayaa wasiirka ka guuri waayey inkastoo la sheegay inay gacantu markiiba kabantay, waxana ay taasi keentay shaki badan oo isaga si gaar ah ugu yimi.

Ujeeddada ugu weyn ee wasiirka ayaa ah inuu daawo u helo Gacantiisa, waxana la filayaa inuu dhawaan dalka dib ugu soo laabto kadib marka uu soo qaato talooyinka Dhakhaatiirta.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com