|

Xiliga la bilaabayo doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada Somaliland oo La Shaaciyey

Muqdisho 08. December 2016 (SDN/QJ):- Guddiga doorashooyinka dadban ee u gaarka ah Goballada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in doorashada xubnaha Aqalka Sare ay bilaaban doonto maanta oo Khamiis ah.
doorashoDoorashada ayaa guddigu sheegay iney ka dhici doonto xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale guddigu uu sheegay in doorashadaan ay ka qaybgali doonaan oo kaliya Xubnaha buuxiyay shuruudaha Musharaxnimo ee doorashada Aqalka Sare.

Illaa 30 musharax oo isugu jira Siyaasiyiin caan ah iyo shaqsiyaad kale oo ka soo jeeda gobolada woqooyi ayaa u tartami doona 11-ka kursi ee aqalka sare laga siiyey xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowlada Somalia.

Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa si habsami leh kaga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee beelaha banaadiriga iyo gobolada woqooyi.

Comments are closed