|

Wasiir Maareeye ”Si Qaldan Ayaa Loo Fasirtay Siyaasadda Qaranka Ee Haweenka”

Muqdisho 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in si qalad ah loo turjumay go’aankii dhowaan Golaha Wasiirada ay meel mariyeen kaas oo ku aadanaa siyaada Haweenka.

 

maareeye-curubaWasiirka War faafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay bayaan ay Hey’ada Culimada Soomaaliya ka soo saartay siyaasada Jandarka Wasaarada Haweenka ay soo diyaarisay.

 

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in si qalad ah loo turjumay qodobada ku jira siyaasada Qaranka ee Jandarka, isagoo tilmaamay in Golaha Wasiirada qodoban oo kale marka ay meel marinayaan in marka horaba ay ka fiirsadaan.

 

Shalay ayay aheyd markii Hey’ada Culimada Soomaaliya ay ka soo horjeesatay sharci dhowaan ay soo saartay Wasaarada Haweenka xukuumada Soomaaliya kaasi oo ku saleysnaa sharciga Haweenka, iyadoo dhowaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

Waxaana Hey’ada Culimada Soomaaliya ay sheegtay in sharcigaas qodobada qaar ee ku jira ay ka soo horjeedaan Diinta Islaamka.

Comments are closed