|

“ Waxaan burburiyay Qoyskeega walaalkey daraadey ayuu u dhintay’’ Ninkii Bilaabay Kacdoonkii Carabta oo Qoomame ka Jooga DAAWO

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Ninkii uu ka bilaawday kacdoonkii dalalka Carabta (Arab Spring) ayaa sheegay inuu ka shalaayay falkii uu bilaabay, maadaama buu yiri walaalkiisna isaga uu ku dayday ee uu is gubay, Sando kadibna dhaqaalihii wadanka weli uu burbursanyahay.

kacdoon bilaabeDhibaatada oo Markii hore ka bilaabatay Shaqo la,aanta dhalinyarada xiligan Dalka Tunisa shaqo la,aanta waa 40% mana jirto wax aan dhibaato aheeyn oo laga dhaxlay Kacaankii Wadamada Carabta ee ka soo bilowday Tunisa.

“Dunida ha maqasho qof walba oo dalkan u dhashay wuu ka shalaynayaa xitaa kuwii ku hanweynaa in Kacdoonka uu isbadal ku imaanayo” ZINA SEYHI waa hooyadii dhashay Xusni oo ah qofkii bilaabay Kacdoonka Carabta.

Ka hor kacdoonka waxaa Nolosha iyo iibka Qudaarta ku filnaa 5 Diinaar laakin isbadalka uu kacdoonka keenay waa in halkii Baka dee Qudaar la iibinayo 50 Diinar ee lacagta dalkaasi ZINA waxaa ay intaa ku dartay xiligan oo laga joogo 5 Sano kacdoonkii Carabta in wiilasheeda kale ee fursad ka sugeyso.

Laba bil hor Xusni walaalkii ka yar ayaa sidoo kale isgubay ka dib dhibaato uu kala kulmay shaqo la.aanta

“ Waxaan burburiyay Qoyskeega walaalkey daraadey ayuu u dhintay walaalkey wuxuu raacay wadadeyda sababtoo ah waan ka weynaa wuxuu ii ahaa saaxib.” Waa hadalkii Mr Husni oo kacdonka Carabta bilaabay.

Comments are closed