Hargeysa Feb 10,2014(SDN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan ayaa iska caabin weyn kala kulmay isku deygiisii uu damacsanaa in uu ku sameeyo xeer hoosaadyada Gollaha Wakiilada Somaliland.
Wasiirka oo boolaxoofto ka soo bilaabay UK todobaad ka hor ayaa motion uu dabada ka riixayay ay xildhibaano hor geeyeen Gollaha Wakiilada shalay.
Afar iyo labaatankii saacadood ee xigay ayaa waxa soo baxay sawir muujinaya khalkhal ka dhalan kara isku dayga Wasiir Xirsi iyo ku-xigeenada Wakiilada ee awoodahooda uu hore u wiiqay Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.
Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaqyo dhiilo colaadeed Xambaarsan oo u dhexeeya Taageereyaasha Xisbiga Wadani iyo kuwa Kulmiye.
Waxaana Xalay la Shiiday aqalka Hargeysa uu ka degen yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan.
Waxa isna la weerary qaar ka mida xildhibaanada u ololeynayay motionka ka dhanka ah guddoomiyaha Wakiilada.
Sidoo kale magaalada Burco ayaa laga dareemay diyaargaroowga isu soo baxyo rabshada ka dhalan karaan oo taageereyaasha xisbiga Wadani ay abaabulayeen.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa deeto Guurtida dalka ka codsaday in ay farogeliyaan qalalaasaha Wakiilada.
Waxa wasiirku uu sidoo kale dafiray erayadii saxaafada oo idili baahisay ee uu ugu cagajugleynayay Guddoomiyaha Wakiilada.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
