|

Wasiir xukuumadda siilaanyo ka tirsan oo muwaadin kula dagaalamay magacayga ha iigu yeedhin ee sacaadatul wasiir iigu yeedh!!

Hargaysa 26.July 2016 (SDN/QJ):- Tii aad aragtaaba tii kale ka darane, waxa ay noqotay dhacdo ugub ah kadib markii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr) uu siyaasi Yuusuf Budle oo ka mid ah bulshada reer Somaliland oo ay wasiirka aqoon durugsan isku lahaayeen kula dagaalamay saluug uu wasiirku ka muujiyey in aanu ninkaasi ku ixtiraamin xilka uu huwan yahay oo aanu ugu yeedhin Sacaadatul Wasiir balse uu ninkaasi magaciisa oo kaliya ugu yeedhay.

dayrFalkan layaabka leh oo toddobaadkan ka dhacay caasimadda Hargeysa ayaa waxa dhacdadaasi ka warramay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Xisbiga UCID wakhtiganna ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka NURP Mudane Yuusuf Budle oo ay layaab ku noqotay wixii kala qabsaday mar ay iska soo hor baxeen Wasiir Xuseen Dayr.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Xisbiga UCID Mudane Yuusuf Budle oo falkan layaabka leh bulshada la wadaagay waxa uu kaga sheekeeyey qoraal koooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxaanu yidhi:

“ QISO MAANTA IGU DHACDAY:

Nin wasiir ka ah xukuunadda hadda ee Siilaanyo oo igula dagaalamay maanta ” Magacayga ha iigu yeedhin ee Saacatul Wasiir iigu yeedh”. Nin aannu aad saaxiib u ahayn, in badanna wax soo wada cunay ayaan maanta nasiib iska soo hor baxnay… Waxaan ku salaamay: Waar saxiib…. hebel…bal ii warran… Intuu is qalloociyey ayuu igu yidhi: “Saacatul Wasiir maxaad iigu yeedhi weyday…. Intaad hebel i leedahay”. Intaan naxay ayaan ugu jawaabay: “Waar ninyahaw wasiirnimadaa iyo buudhigaas madhan ma xiiseeyee, warkaaga isii, ma fiican tahay, xaaskii iyo ciyaalkii ka warran?”. Intuu ninkii giir iska kiciyey, ku lahaa: Noocaagaasoo kalaa dalka kharribaya. Wallaahi inaan ku xidhaad istaahishaa”. Waxaan xasuustay berri 1986-kii la igu xidhay Hargeysa, waxaad tahay kacaan diid. Intaan qoslay ayaan ku idhi waar markaad hebel noqotaynu is waraysane , buudhigaas kacaanka ii saarnoow. Waanan ka dhaqaaqay anoo qoslaya. Markaan meesha ka dhaqaaqayba waxaan bilaabay inaan ku ducaysto: “Illahaw kalsoonida ha naga qaadin”.

Qoraalkan Siyaasi Yuusuf Budle ku baahiyey degelka uu ku leeyahay barta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook waxa ka dhashay doodo iyo fal-celimo aad u layaab badan iyada oo dad badani aad ula yaabeen hab-dhaqanka Wasiirkan oo ka mid ahaan jiray qurbe-joogga Taageera xisbiga KULMIYE muddo badan oo uu Hargeysa ku sugnaana kadib xilka Afhayeenimo ee madaxtooyada loo magacaabay markii uu xilkaasi iskii uga tagay Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadu Md. Axmed Saleebaan Dhuxul.

Wasiir Dayr oo xilka Wasaaraddan kala wareegay Wasiirkii hore ee wasaraddaasi Muuse Qaasim ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah wasiirrada ugu liita xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lana filayo in uu ka mid noqdo wasiirrada seefto sahayan doonto dhawaan kadib isku shaan-dhaynta ballaadhan ee la hadal hayo in ay dhawaan ka soo bixi doonto qasriga Madaxtooyada Somaliland. Wasiir Deyr ayaa sidoo kale la sheegaa in uu aad uga xumaaday dhawaan markii uu ku guul darraystay in uu ka mid noqdo waftigii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee dhawrka jeer Imaaraadka ugu safray heshiiska shirkadda DP-World balse laga tagay oo aan marna laga talo galin heshiiskaasi inkasta oo maandhaytka Wasaaradda uu masuulka ugu magacaaban yahay ay shaqadeeda ka mid tahay maal-gashiga caalami ahi taasi oo muujisay miisaanka masuulkan dhallinyarada ahi ku leeyahay xukuumadda uu xilka ka hayo.

Comments are closed