|

Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo Jabuuti ku kulmay

Djibouti December 29, 2023 (qj0 -Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay shir ay soo qaban qaabisay Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasi oo u jeedkiisu ahaa sidii loo fududeyn lahaa wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay hogaamiyaha mudo dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland Muuse Biixi, kulankaas oo sidoo uu goob ka ahaa madaxweyne Geelle.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu leeyahay kulanka Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu xallinayo arrimaha taariikhiga ah ee u dheexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Lama oga natiijada kasoo baxday kulanka, iyadoo dadka u kuur-gala siyaasada ay soo jeedinayaan in qodobada laga wadahadlayo ay ka mid thahay wax ka bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed