|

Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland oo dalka dib ugu soo noqday

Hargeysa Mar 31,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibada ee JSL Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey socdaal shaqo oo uu in muddo ah ugu maqnaa wadamo ka tirsan Qaaradda Yurub.

Wasiirka oo warbaahinta ugu waramay garoonka diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ee Magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay isaga iyo weftigiisii wadanka Bilgium kaga qayb galeen kulankii baarlamaanada Yurub oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub, magaalada Brussels.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in socdaalkoodu ka dambeeyey Martiqaad ay Somaliland ka heshay Baarlamaanka Yurub ka dib markii Shirkii London ee Bishii Febaury sanadkan uu Madaxweynaha Somaliland ka codsaday wadamada Yurub inay Somaliland is dhinac taagaan.

Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu cadeeyey inay shirkaa baarlamaanada Yurub ka jeediyeen warbixin ku saabsan Somaliland qadiyadeeda  iyo doorka ay Somaliland ka ciyaari karto arimaha Mandaqadda Geeska Afrika. taasoo ay dheer tahay iskaashiga Somaliland la samayn karto wadamada yurub.

Wasiirka oo warbixintiisa sii watay waxa uu tibaaxay in Shirka baarlamaanada Yurub ee ay ka qayb galeen lagaga hadlay sidii kheyraadka dhulka iyo baddaba ku jira ay Somaliland ula soo bixi lahayd si ay isugu filnaato, halka sidoo kalena kulankaa magaalada Brusseles ay Somaliland ka hadashay Go’aamadii ka soo baxay shirkii Lonson iyo qorshaha ku aadan in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan Mustaqbalkooda siyaasadeed, taasoo ku qotonta in Somalia ay garawsato gacana ka gaysato sidii Somaliland Xubin buuxda uga noqon lahayd beesha caalamka, dhanka kalena ay Somaliland awoodda saarto in wadankaa deriskooda ah ee Somalia laga caawiyo sidii ay lugahooda isugu taagi lahaayeen.

Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada hargaysa ku soo dhoweeyey wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah Mudane Mowliid Maxamuud Ibraahin iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan isla wasaaradaasi.

SDN-Hargeysa

contact@somalisdiasporanews.com

Comments are closed