|

Shirkadda Telesom oo maanta ku dhawaaqday Qiimo-dhimistii ugu balaadhnayd ee ay abid u samayso Macaamiisheeda adeegyada Telefoonada

Hargeysa 31, March 2012 (Qurbejoog.com)- Shirkadda ugu wayn dhinaca Isgaadhsiinta gobolka Geeska Afrika ee Telesom, ayaa maanta shaaciyay qiimo-dhimistii ugu balaadhnayd ee ay abid u samayso macaamiisheeda.

Munaasibad loo sameeyay ku dhawaaqista qiimo-dhimistan oo maanta lagu qabtay xarunta shirkaddaas ee caasimadda Hargeysa, waxay Telesom ku shaacisay inay qiimo-dhimis u samaysay macaamiishooda adeegga Telefoonkada ee la hadalka dibadda iyo gudaha dalka intaba.

Madaxa Horumarinta Ganacsiga ee Telesom Mr. Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu sheegay in talaabadan qiimo-dhimista wax-ku-oolka ah ay u qaadeen markii ay qiimeeyeen duruufaha kala duwan ee macaaliishooda, wuxuuna qoraal uu halkaas ka akhriyay oo uu ku faahfaahiyay qiimo-dhimistaas uu u dhignaa sidan; “Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee ZAAD, oo macaamiishayada u suurtogeliyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Moobilka, Internetka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegga ILA-MAQAL (Codka soo dhicista mobile-ka) Adeegyada AQOON-MAAL oo ka kooban warar (news), qaamuus isugu turjumaya Somali/English, Wikipedia, iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Intaa ka dib, waxa maanta farxad weyn noo ah in aanu ku dhawaaqno QIIMO-DHIMIS BALLAADHAN oo aanu ku samaynay adeegyada Telesom, gaar ahaan adeegga Prepaid-ka ee Mobile-ka, kadib markii aanu daraasanay duruufaha dhaqaale ee dalka ka taagan iyo daryeelida macaamiishayada qaaliga ah.

Qiimo-dhimista aanu samaynay waxa ay ka kooban tahay sadex qaybood oo kala ah Gudaha, Dibada iyo National-ka:

1. Waxa aanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo layn-ka wadamadda dibadda (International), gaar ahaan wadamada hoos ku qoran oo aanu $1 ka dhignay 15-kii daqiiqo, halkii uu ka ahaan jiray 3.3 daqiiqo. Taas oo u dhiganta in aanu jabinay 350% (sadex jeer iyo badh ) kana dhigaysa Telesom Shirkadda Geeska Africa ugu jaban qiimaha lagula hadlo dibadda.

UK, Canada, Malaysia, China, USA, Sweden, Denmark, Holland, Norway, Belgium, France, Germany, Thailand, Turkey, Russia, New Zealand, Italy, Switzerland, Australia, India, South Africa, Ireland.

2. Sidoo kale waxa aanu qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka iyo layn-ka wadamadan hoose ka dhignay 15 daqiiqo:

Canada, Malaysia, China, USA, Thailand

3. Qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka wadamadan hoose waxaanu ka dhignay 5 daqiiqo:

UK, Sweden, Turkey, Russia.

4. Dhinaca wadama jaarka aynu nahay gaar ahaan Soomaliya iyo Puntland, 100% ayaanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo $1 waxa aanu ka dhignay 20 daqiiqo.

DALKA GUDIHIISA:

Dalka Gudihiisa waxa aanu maanta laga bilaabo $1 ka dhignay 200 daqiiqo, laga bilaabo saacadaha 10-ka fiidnimo ilaa 6-da arroornimo. Arrintaasi waxa ay fursad gaar ah u noqonaysaa bahda warbaahinta, Dhallinyaradda iy guud ahaan bulshaddaba.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed