|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ku Margaday Su’aal Yaab Badan OO Baarlamaanku Weydiiyey

Muqdisho:April,30,2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa ku margeday su’aal muhiim ah oo ay baarlamaanka Somalia weydiiyeen.

goodaxSu’aasha Wasiirka La weydiiyey ayaa la xidhiidhay Sababta ay Dalalka Somalia Safaaradaha ka furanayaa ay  xafiisyadooda ka dhigtaan Goobaha Xeebaha ah, waxana uu sheegay in arrintaasi ay tahay heshiis ay dawladihii hore galeen oo aanu wax badan kala soconin.

Wasiirka wuxuu sheegay in muhiim tahay siddii waddamada doonaya in ay dib u dhisaan Soomaaliya lagu caawiyo wax yaabaha ay doonayaan.

Haddaba waxaa soo baxaya qorshe cusub oo dowladda safaaraddaha ka furanaya Muqdisho leeyihiin,kaas oo la xidhiidha sababta ay dhammaantood xafiisyada uga furteen Goobaha Xeebaha ku yaalla oo ay u diideen Goobaha caadiga ah ee kale.

Ingiriiska, Turkiga, Imaaraadka iyo waddamo kale oo hadda doonaya in ay adkeeyaan calaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyaga ayaa billaabay inay deggaan oo xarumo ay ka sameeyaan dhulka xeebaha u dhow.

Wasiirka waxaa kaloo la weydiiyay bal wasaaradiisa wax yaabaha ay kala socdaan maamulada laga dhisaayo dalka.

Wuxuu sheegay in maamuladaas ay yihiin kuwa kumeel  gaadh ah, maadama uu socdo howgal ka dhan Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda wax yaabaha hadda keenay in dowladdaha safaaraddaha ka furtay Muqdisho in ay deggaan dhismooyinka ka agdhow xeebaha Muqdisho.

Tallaabooyinka ay dawlaha caalamka ee Somalia safaaradaha ka furtay ku degayaan Xeebaha dalka ayaa su’aalo badan gelisay dadka somalida ah, waxana arrintaas dad badani u tarjunteen Gumaysi cusub oo dib loo bilaabay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed