Uncategorized

Madal lagu daahfurayay Akaademiga Horumarka dhalinyarada oo lagu qabtay hargaysa

Hargaysa 16.Feb (SDN)   Daahfurka Akademiyada Horumarinta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay xaflad lagu qabtay Magaalada Hargaysa.

Munaasabad balaadhan oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha Maaliyadda, Madaxtooyada iyo Ciyaaraha, xildhibaano ka tirsan golayaasha baarlamaaka iyo xubno ka mid ah golaha Deegaanka caasimadda waxaana ugu horayn faahfaahin ku saabsan dhismaha Akademiyada Horumarinta ciyaraha ka jeediyey Nimcaan Cabdi Cali isagoo ku dheeraaday marxaladihii ay bulshada Somaliland soo martay

iyo sidii ay ugu guuleysteeninay shacabka reer Somaliland dhistaan maamul iyo nidaam Dawladeed taasi oo horseeday inay Somaliland gaadhay heerka ay maanta marayso.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay Aasaasidda Akadamiyadan ka danbeeyeen dhalinyaro si gaara isugu xilqaantay wax ka qabashada arrimaha hormarinta iyo adeegga ciyaaraha halka sidoo kalena ay Akademiyadani ka madaxbanaan tahay siyaasadda iyo waxkasta oo ka baxasan arrimaha ciyaaraha” ,waxaanu intaa ku daray in maadaama uu dalku hada u socdo xagii hormarka ay lagama maarmaan tahay in la horumariyo dhalinyarada iyo ciyaaraha

Mas’uuliyiintii ka qayb gashay kulankaasi ayaa dhamaantood si diirran u soo dhoweeyey daahfurka Akademiyadda horumarinta dhalinyarta iyo ciyaaraha ee Somaliland.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaasi ka sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qayb galo xaflada noocan ah waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ? Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xaflada noocan ah ka soo qayb galo, waana wax lagu farxo in caawa halkan lagu daah furo Akadami dhalinyarada hurumarkiisa wax weyn ka tari doona, waxaanan idiin balanqaadayaa inaan idin garab istaago oo aan wixii awoodayda ah aan idinkala shaqeeyo.?
Ugu danbayntii waxaa daahfurka Akadamigan soo gunaanaday Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal waxaanuu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo Akaadamigan, isagoo farta ku fiiqay inay ka wasaarad ahaan uu hawl baddan ka qaban doono Akadamigani, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ?Waa ii sharaf inaan idinkala soo qayb galo Akadami runtii wax weyn ku soo kordhin kara dalka, dhalinyarada, iyo wasaaradaba, waxaan filayaa inuu yimid goor loo baahnaa, Wasaarada ciyaarahana wuxuu ka furan doonaa Hawlo baddan, waan soo dhawaynayaa dhalinyarta la timid fikirkan fiican ee ay dhalinyaradooda wax ugu qabanayaan, waxaanan leeyahay Insha Allah wada shaqayn fiican ayaynu yeelan doonaa” ayuu Yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu.
Hargaysa SDN.