|

Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Qayb-galay Dhageysiga Dacwad Lagu Oogey Gabadh Ku Eedaysan Inay Fariin Cay Ah U Dirtay

Hargeysa (qurbajoog) Jan 31,2013 – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta ka qayb-galay dhageysiga dacwad lagu oogayey gabadh ku eedaysan inay Wasiir xisri Moobeylkeeda Fariin cay ah uga dirtay.
Dhageysiga dacwadan oo ka bilaabantay Maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa ahayd mid aan daka intiisa badan ka war-qabin, balse qaar ka mid ah shakhsiyaadkii ka qayb-galay ayaa Qurbajoog u sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka qayb-galay dhageysiga dacwadaasi.
Gabadha dacwada lagu oogayey oo muddo tobaneeyo maalmood ah ku xidhnayn xarunta dambi-baadhista CID-da Hargeysa isla-markaana ururada xuquuqal iisaanku aad uga qayliyeen, ayaa waxa intii dacwadadeedu socotay aad loo adkeeyay amaanka guud ee xarunta Maxkamada, waxaana joogay askar faro badan oo ah kuwo loo yaqaano RRU.
Dacwadan ayaa go’aankeeda kama dambaysta ahi soo bixi doonaa Sabtida todobaadka dambe sida ay Sheegeen dadkii ka qayb-galay dacwadaasi.

qurbejoog.com

Hargaysa

Comments are closed