|

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland oo sheegay in dawlada Somaliya ay diidan tahay Heshiiska Dekada Berbera DAAWO

Hargeysa ,31.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Qorsheynta Somaliland Cali Shoombe ayaa sheegay dawlada Somaliya ay diidantahay heshiiska dekada Berbera ay ku maalgalinayso Shirkada DP WORLD.

Wasiir Cali Shoombe waxaa kale oo uu sheegay in golaha wakiilada Somaliland la gayn doono heshiiska dekada ee ay xukuummadu la gashey shirkada DP World.
” Heshiiska Dekada Berbera Cida kaliya ee Diidan waa dawlada Somaliya, baarlamaanka waa la geynayaa, ninka diidaa waa nin somaliya Gacan saar la leh” ayuu yidhi Wasiir Cali Shoombe.
Xisbiyada Mucaaridka iyo qaar ka mid ah shacabka degan gobolka Saaxil ayaa kasoo horjeestay wareejinta dekada Berbera oo xukuummada Somaliland ku wareejisay Shirkad laga leeyahay Imaaraat-ka Carabta.

Comments are closed